Elementary Education (Grades K–6) (Somali)

Test Framework

Imtixaan yaraha I (Test Code 403)
Qeyb mowduuceedka Ujeeddooyinka Xadka la doonayo Qiyaas ahaan Miisaanka Imtixaan yaraha
I. Aqrinta 0001–0007 78%
II. Farshaxanka Isgaarsiinta 0008–0009 22%
Imtixaan yaraha II (Test Code 404)
Qeyb mowduuceedka Ujeeddooyinka Xadka la doonayo Qiyaas ahaan Miisaanka Imtixaan yaraha
I. Xisaab 0010–0015 75%
II. Caafimaadka/Jir Dhiska iyo Farshaxanka Qurxinta 0016–0017 25%
Imtixaan yaraha III (Test Code 405)
Qeyb mowduuceedka Ujeeddooyinka Xadka la doonayo Qiyaas ahaan Miisaanka Imtixaan yaraha
I. Saynis 0018–0021 57%
II. Cilmiga Bulshada 0022–0024 43%

Aqrinta

0001

Fahan aasaaska luuqadda afka ee hormarinta aqris-qorista Ingiriisiga, oo ay ka mid yhiin dhawaaqa iyo ogaanshaha dhawaaqoyinka.

  • muujinaya cilmiga heerarka koritaanka ee luuqadda, oo ay kujirto isku xirnaanshaha u dhexeeya horumarinta afka iyo horumarinta akhris-qorista, iyo adeegsiga aqoonta farsamooyinka ee kor loogu qaadayo horumarka afka ee ardayda (tusaale ahaan, eray bxinta afka, xirfadaha fahamka dhageysiga) si looga taageero horumarintooda akhris-qoristooda
  • sharaxaya cilmiga wacyiga dhawaaqa iyo cilmi baarista ku saleysan, tilmaam cad oo ku saabsan xirfadaha wacyigelinta dhawaaqa (tusaale, baarista iyo aqoonsashada xudduudshsha erayga, dhawaaqyada, ereyada qaafiyadda, iyo bilowga/dhawaqa)
  • sharaxaya cilmiga wacyiga dhawaaqa iyo cilmi baarista ku saleysan, tilmaam cad oo ku saabsan xirfadaha wacyigelinta dhawaaqa (tusaale, garashada ereyada waxay ka kooban yihiin codad gaar ah; af ahaan gadisan, kala baxsan, tirida iyo beddelida dhawaaqyda)
  • adeegsanaya cilmiga isticmaalida qalabka daabacan ee ku habboon; ilaha farsamada; iyo luqadda afka oo wax ku ool ah, ka qaybgalin leh iyo waxqabadyada qorista si loogu dhiirrigeliyo loona xoojiyo horumarka ardayda xagga afka, wacyigelinta dhawaaqa, iyo wacyiga dhawaaqyada iyo in laga caawiyo inay xiriir ka dhexeeyaan luqadda afka iyo akhriska iyo qorista
  • sharaxaya aqoonta hababka rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee lagu qiimeeyo horumarka ardayda ee afka, wacyigelinta dhawaaqa, iyo wacyiga dhawaaqyada iyo muujinta awoodda tarjumaadda iyo adeegsiga natiijooyinka si loogu qorsheeyo tilmaam wax ku ool ah
  • adeegsanaya cilmiga xeeladaha (tusaale, tilmaam kala duwan, waxqabadyo, kobcin) si wax looga qabto baahiyaha la qiimeeyay ee ardayda gaarka ah ee afka, wacyigelinta dhawaaqa, iyo wacyiga dhawaaqyyada, oo ay ka mid tahay aqoonsiga marka codadka Ingiriisika ka duwan yahay kuwa luqadaha kale loona baahan yahay in si sax loo baro
0002

Fahan hormarka qaacidooyinka kala saarida farta, aqoosinga xarafka, dhisida xarafka, iyo isku aadinta dhawaqa-xarafka.

  • sharaxaya cilmiga fikradaha aasaasiga ah ee kala saarida farta iyo xeeladaha lagu dhiirrigelinayo horumarinta ardayda ee fikradaha kala saarida farta
  • sharaxaya cilmiga horumarka aqoonsiga xarafka weyn iyo kan yar iyo xirfadaha sameynta xarafka iyo cilmi baaris ku saleysan, tilmaam cad oo ku saabsan aqoonsiga xarafka iyo dhismaha xarafka
  • sharaxaya cilmiga mabda'a alifbeetada iyo dabeecadda xiriirka xarafka dhawaqa ee Ingiriisiga iyo ku saleysan cilmi baaris, tilmaam cadcad oo ku saabsan isku aadinta dhawaqa-xarafka
  • adeegsanaya cilmiga isticmaalida qalabka daabacan ee ku habboon iyo ilaha farsamada; wax ku ool ah, ku lug leh afka iyo waxqabadyada qorista; iyo farsamooyin kala duwan leh si loogu dhiirrigeliyo loona xoojiyo horumarinta ardayda fikradaha daabacaadda, aqoonsiga iyo sameynta xarafka weyn iyo kan yar, iyo isku aadinta dhawaqa-xarafka
  • sharaxaya cilmiga hababka rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee lagu qiimeynayo horumarka ardayda ee fikradaha daabacaadda, aqoonsiga xarafka, dhismaha xarafka, iyo dhawaaqa xarafka iyo muujinta awoodda tarjumaadda iyo adeegsiga natiijooyinka qiimeyntan si loogu qorsheeyo waxbarid wax ku ool ah
  • adeegsanaya cilmiga xeeladaha (tusaale, tilmaam kala duwan, waxqabadyo, kobcin) si wax looga qabto baahiyaha la qiimeeyay ee ardayda shaqsiyadeed fikradaha daabacaadda, aqoonsiga xarafka, dhismaha xarafka, iyo dhawaaqa xarafka, oo ay ku jiraan aqoonsiga siyaabaha aasaasiga ah ee nidaamyada qorista ee kuwa kale afafku way ka duwanaan karaan Ingiriisiga iyo muhiimada ay leedahay in laga caawiyo bartayaasha Ingiriisiga inay xirfadaha la xiriira ka wareejiyaan luqaddooda hooyo una beddelaan Ingiriis
0003

Fahan hormarinta dhawaqa iyo xirfadaha kale ee lagu aqoonsado xarfaha, hingaada, iyo balaaqada.

  • sharaxaya cilmiga fikradaha aasaasiga ah ee la xiriira bilowga qorista iyo akhriska (tusaale ahaan, xiriirka ka dhexeeya bilowga heerarka akhriska, qorista, iyo higgaadinta; isu soocelinta u dhexeysa go'aaminta iyo qorista) iyo eraybixinta aasaasiga ah ee loo adeegsado in lagu sharxo isugeynta xarafyada guud iyo/ama xiriirka dhawaaqa-xarafka ee Ingiriiska
  • adeegsanaya cilmiga cilmi baarista ku saleysan, tilmaamta dhawaaqyada cadcad si loo hormariyo kelmadaha saxda ah ee ardayda iyo higaada ereyada joogtada ah badinta kakanaanta
  • adeegsanaya cilmiga cilmi baaris ku saleeysan, tilmaamyo cadcad ee erayada caadiga ee laba qarxa (tusaale, -ed, -er, -s), iyo sawirida sharciyada la xariiro (tusaale, laba raabida shibanaha oogu dambeeyo, beddelida xarafka y to i marka aad ku dareeso laba qaraxa) sifo loo hormariyo duubista saxda ee ardayga iyo higaada joogtada iyo/ama erayada la sameeyay
  • adeegsanaya cilmiga ku saleysan cilmi-baarista, tilmaamaha cad ee qaababka dhawaaqa joogtada,tilmaamaha xarafka furan iyo kuwa xiran; xirfadaha falanqaynta qaabdhismeedka (tusaale ahaan, garashada asalka ereyga, dhejiyeyaasha horgalada, iyo ereyada isku dhafan); iyo qaababka oraahda oo ku saleysan isir ahaaneed si kor loogu qaado kelmadaha saxda ah ee ardayda iyo higgaadinta ereyo badan
  • sharaxaya aqoonta tilmaamayaasha muhiimka ah ee balaaqda aqrinta (tusaale, saxsanaanta, sicirka, iyo muuqaalka); arrimaha guud ee carqaladeeya ku-hadalka (tusaale ahaan, daciifnimada cod-bixinta iyo xirfadaha kale ee aqoonsi ereyga, aqoon la'aanta ereyada tacliimeed iyo/ama qaab-dhismeedka, aqoonta asalka oo xadidan); iyo tilmaam cilmi-baaris ku saleysan, tilmaam cad oo lagu dhiirrigeliyo ku-hadalka ku habboon dhammaan heerarka horumarinta akhriska
  • adeegsanaya cilmiga isticmaalka qoraallada habboon (tusaale ahaan, daabacan, warbaahinta) iyo wax-ku-ool ah, ka-qaybgal waxqabad akhris iyo qoraal ah si loogu dhiirrigeliyo loona xoojiyo horumarka ardayda ee dhawaqa iyo xirfadaha kale ee lagu aqoonsado ereyga, higgaadinta, iyo ku-hadalka
  • muujinaya aqoonta hababka rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee loogu talagalay qiimeynta horumarka ardayda ee codadka iyo xirfadaha kale ee lagu aqoonsado ereyada, higgaadinta, iyo ku-hadalka iyo muujinta awoodda tarjumaadda iyo adeegsiga natiijooyinka qiimeyntan si loogu qorsheeyo waxbarid wax ku ool ah
  • adeegsanaya aqoonta xeeladaha (tusaale, tilmaam kala duwan, waxqabadyo, kobcin) si wax looga qabto baahiyaha la qiimeeyay ee shakhsiyaadka gaarka ah ee codbixinta iyo xirfadaha kale ee aqoonsiga erayga, higgaadinta, iyo ku-habboonaanta dhammaan heerarka horumarinta akhris-qorista, oo ay ku jirto aqoonsiga siyaabaha aasaasiga ah ee nidaamka qorista luqadaha kale way ka duwanaan karaan Ingiriisiga iyo muhiimada ay leedahay in laga caawiyo bartayaasha Ingiriisiga inay xirfadaha la xiriira ka wareejiyaan afkooda hooyo una beddelaan Ingiriis
0004

Fahan hormarinta eraybixinta.

  • sharaxaya wacyiga doorka muhiimka ah ee ereybixintu ku leedahay akhriska iyo muhiimada ay leedahay ka qaybgalinta ardayda hore iyo khibradaha joogtada ah ee luqadda si kor loogu qaado horumarkooda eraybixinta
  • adeegsanaya cilmiga qaybaha waxbarista ereyada ee wax ku oolka ah (tusaale ahaan, si cad u barashada ereyada iyo xeeladaha barashada erayga, kor u qaadista wacyiga ereyga, dhiirigelinta iyo taageerida aqrinta ballaaran, bixinta soo bandhigida macnaha leh iyo fursadaha isticmaalka erayada cusub) iyo shuruudaha lagu xusho erayada tilmaamaha ereyada
  • adeegsanaya cilmiga ku saleysan cilmi baarista, tilmaamaha cad ee istiraatiijiyadaha madaxabanaan ee dhisida erayada (tusaale, falanqaynta xarfaha aasaasiga ah iyo ku dhejinta) iyo go'aaminta macnaha iyo ku dhawaaqida ereyada aan la aqoon ama micnaha badan leh ee lagu soo maray dhageysiga iyo akhriska (tusaale, adeegsiga macnaha guud, macnaha iyo tilmaamo isku dhafan, qalabka tixraaca)
  • adeegsanaya cilmiga ku saleysan cilmi baarista, tilmaamaha cad ee erayada iyo macnahooda, oo ay kujiraan asalka ereyada (tusaale ahaan, xididada Latinka iyo Gariigga ee guud), hadalada sarbeeb la'aanta ah, iyo ereyada qalaad iyo tibaaxaha loo adeegsaday Ingiriisiga
  • adeegsanaya cilmiga isticmaalka qoraallada habboon (tusaale ahaan, daabacan, warbaahinta) iyo luqadda afka wax-ku-ool ah, ka-qaybgalka leh, waxqabadyada akhriska, iyo qorista si loo dhiirrigeliyo, loo kordhiyo, loona xoojiyo horumarka ardayda ee dhageysi adag, hadal, aqrin, iyo qorista ereyo
  • sharaxaya cilmiga hababka rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee loogu talagalay qiimeynta horumarka eray bixinta ardayda iyo muujinta awoodda tarjumaadda iyo adeegsiga natiijooyinka qiimeyntan si loogu qorsheeyo waxbarid wax ku ool ah
  • adeegsanaya aqoonta xeeladaha (tusaale, waxbarista kaladuwan, waxqabadyada, kobcinta) si wax looga qabto baahiyaha la qiimeeyay ee ardayda gaarka u ah horumarinta eray bixinta
0005

Fahan aqrinta sheekooyinka iyo hormarinta xeeladaha sheekooyinka iyo aqrinta aan isku tiirsaneeyn.

  • sharaxaya cilmiga sida aqristayaasha aqoonta leh u akhriyaan iyo heerarka kala duwan ee fahamka akhriska (tusaale, suugaan, tixraac, iyo qiimeyn)
  • sharaxaya cilmiga waxyaabaha saameeya fahamka akhriska (tusaale ahaan, kelmadaha tooska ah, ku-hadalka, aqoonta eraybixinta, aqoonta qaab dhismeedka luqadda tacliimeed, aqoonta asalka ah, xeeladaha fahamka, luuqadda iyo kakanaanta qaabka qoraalka, dhiirigelinta/ujeeddada akhriska)
  • adeegsanaya aqoonta ku saleysan cilmi baarista, tilmaamta cad ee xeeladaha fahamka (tusaale, saadaalin, u sameeynta xiriir cilmi hore, kor u fikirada, kormeerida, isticmaalka qaabdhismeedka qoraalka, soo jeedinta eegmada, ku sawirida maskaxda, soo koobida, su'aalaha/su'aalida) eey ardayda isticmaali karaan sifo u dhisaan fahamkooda qoraalada iyo kobcinta xoriyadooda ee aqriska shaqsiyadeed
  • adeegsanaya aqoonta isticmaalka qoraallada habboon (tusaale, daabacaadda, warbaahinta) iyo luqadda afka wax-ku-ool ah, ka-qaybgalka leh, akhriska, iyo waxqabadyada qorista si loo fududeeyo fahamka ardayda ee qoraallada ka hor, inta lagu jiro, iyo ka dib iyo in lagu dhiirrigeliyo lana xoojiyo horumarkooda fahamka xeelado
  • sharaxaya cilmiga doorka akhriska madaxbanaan ee horumarinta akhriska iyo qorista iyo xeeladaha cadcad oo loogu talagalay dhiirrigelinta iyo akhriska madaxbannaan iyo guriga ee ardayda si loo xoojiyo loona xoojiyo kartidooda akhriska loona dhiirrigeliyo koritaankooda shakhsi ahaaneed iyo waxbarashadooda inta ay nool yihiin (tusaale, ku dabbaqidda aqoonta danaha ardayda; kor ugu aqrinta ardayda; siinta marin u helida agabyo kala duwan oo akhris ah, oo ay ku jiraan agabyada ku qoran luqadaha guriga ee ardayda; dhiirigelinta iyo bixinta taageerada waalidiinta/dadka ardayda masuulka ka ah inay u akhriyaan carruurtooda)
  • sharaxaya cilmiga hababka rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee loogu talagalay qiimeynta horumarka fahanka akhrinta ardayda iyo muujinta awoodda tarjumaadda iyo adeegsiga natiijooyinka qiimeyntan si loogu qorsheeyo waxbarid wax ku ool ah
  • muujinaya aqoonta xeeladaha lagu go'aaminayo heerarka akhriska ardayda madaxbanaan, waxbarid, iyo jahwareerka iyo isticmaalka macluumaadkaan si looga caawiyo xulashada qoraallada ku habboon ee waxbarista iyo hagista akhriska madaxbanaan ee ardayda
  • adeegsanaya cilmiga xeelada (tusaale, waxbaridda kala-duwan, wax-ka-qabadka, kobcinta) si wax looga qabto baahiyaha la qiimeeyay ee ardayda gaarka ah ee fahamka akhriska, xeeladaha fahamka, iyo akhriska madaxabannaan, oo ay ku jiraan ka caawinta bartayaasha Ingiriisiga inay u gudbiyaan xirfadaha la xiriira afkooda hooyo una beddelaan Ingiriisiga
0006

Fahan noocyada kala duwan ee qoraallada iyo xeeladaha fahanka, falanqeyn, iyo jawaab celintooda.

  • sharaxaya cilmiga suugaanta carruurta iyo dhalinyarada ee matala noocyo, xilliyo, aragtiyo, iyo dhaqammo kala duwan, oo ay ku jiraan suugaanta iyo waxa ku saabsan suugaanta hindida Mareykanka ee Minnesota
  • sharaxaya cilmiga astaamaha muhiimka ah iyo waxyaabaha ku jira qoraallada suugaanta (tusaale ahaan, astaamaha sheekada sida dabeecadda iyo qisada, astaamaha qaabdhismeedka sida luqadda tusaalaha ah)
  • adeegsanaya cilmiga edbinta cad ee astaamaha muhiimka ah, noocyada, iyo walxaha qoraallada suugaanta si kor loogu qaado fahamka ardayda ee qoraalladan
  • adeegsanaya cilmiga edbinta cad ee jawaab celinta suugaanta iyo xirfadaha falanqaynta (tusaale, adeegsiga caddaynta qoraalka si loo taageero jawaabaha, falanqaynta walxaha sheekada, tarjumaadda luqadda tusaalaha ah, qiimeynta qaabka iyo niyadda, garashada qoraallada inay ka tarjumi karaan aragtiyo dhaqameed kala duwan)
  • sharaxaya cilmiga noocyada kala duwan ee qoraallada macluumaadka iyo mawduucyada, oo ay ku jiraan astaamaha muhiimka ah ee qoraalka (tusaale, tusmooyinka, cinwaanada), qaababka garaafka ah (tusaale, qarriradaha, sawirada, qoraallada) iyo qaabdhismeedka hayadaha (tusaale, toosnaanta, sawabta/sameynta, isbarbardhiga/iskdhigida, dhibka/xalka) ee qoraalladan
  • adeegsanaya cilmiga edbinta cadcad ee astaamaha muhiimka ah iyo qaabdhismeedka abaabulka ee qoraallada macluumaadka si kor loogu qaado fahamka ardayda ee qoraalladan
  • adeegsanaya cilmiga edbinta cadcad ee falanqaynta iyo xirfadaha jawaab celinta ee qoraallada macluumaadka (tusaale ahaan, falanqaynta aragtida qoraaga, qiimeynta cadeymaha, sharaxaadda macluumaadka, soo koobista fikradaha waaweyn)
  • adeegsanaya cilmiga sida loo raad raaco loona qiimeeyo doodda iyo sheegashooyinka gaarka ah ee qoraalka, oo ay ku jiraan sida loo kala sooco sheegashooyinka ay taageerayaan sababaha iyo caddaynta sheegashooyinka aan ahayn
  • adeegsanaya cilmiga sida loo go'aansado macnaha ereyada iyo odhaahda maadaama loo adeegsaday qoraal suugaaneed ama macluumaad, oo ay kujiraan macno ahaan, ama qoraalka xogta, iyo macnahooda farsamo
  • adeegsanaya cilmiga sida la iskula isbarbar dhigo la iskuna garab istaajiyo soo bandhigida dhacdooyinka ee hal qoraa, oo ay ku jiraan dhacdooyinka la xiriira Hindida Minnesota ee Mareykanka, iyo qoraaga kale (tusaale, xusuus qor iyo taariikh nololeed ku saabsan isla qofka)
  • adeegsanaya cilmiga isticmaalka qoraallada habboon iyo wax ku oolnimada, ku lug lahaanshaha luqadda afka, akhriska, iyo waxqabadyada qorista si loogu dhiirrigeliyo loona xoojiyo fahamka ardayda iyo falanqaynta iyo jawaabta qoraallada
  • sharaxaya cilmiga sida loo fududeeyo loona horumariyo jawaabaha ardayda ee suugaanta iyo awoodaha aqrinta xasaasiga ah iyada oo loo marayo heer sare, wada hadal isdhaxgal ah oo ku saabsan qoraallada
  • sharaxaya cilmiga hababka rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee loogu talagalay qiimeynta fahamka ardayda iyo falanqaynta iyo ka jawaab celinta suugaanta iyo qoraalka macluumaadka iyo muujinta awooda tarjumaada iyo adeegsiga natiijooyinka qiimeyntan si loogu qorsheeyo waxbarid wax ku ool ah
  • adeegsanaya aqoonta istiraatiijiyadda (tusaale, waxbaridda kala-duwan, wax-ka-qabadka, kobcinta) si wax looga qabto baahiyaha la qiimeeyay ee ardayda gaarka ah ee jawaabta suugaaneed iyo falanqaynta iyo xirfadaha aagagga akhris-qorista
0007

Fahan horumarka tacliinta luuqada, oo ay kujiraan qaab dhismeedka luqadda Ingiriisiga iyo heshiisyada.

  • muujinaya aqoonta aasaasiga ah ee qaab dhismeedka iyo heshiisyada luqadda Ingiriisiga (tusaale, qaab dhismeedka jumlada, naxwaha, xarakaynta, xarafta farta waaweyn, higgaadinta, shuruucada, iyo macnaha luuqada)
  • muujinaya aqoonta istiraatiijiyadaha ee kor loogu qaadayo xirfadaha akhris-qorista iyadoo laga caawinayo ardayda inay xiriir ka dhexeeyaan luqadda afka iyo akhriska iyo qorista, oo ay ku jirto ka caawinta inay fahmaan isu ekaanshaha iyo kala duwanaanshaha u dhexeeya qaab dhismeedka luqadaha iyo heshiisyada loo adeegsado ku hadalka iyo qorista Ingiriisiga; iyo adeegsiga aqoonta istiraatiijiyadaha iyo waxqabadyada isku dhafan akhriska iyo farshaxanka isgaarsiinta
  • muujinaya aqoonta sida loogu bixiyo casharo cad iyo ku tababarka hanuuninta qaab dhismeedka luqadaha iyo heshiisyada iyadoo la adeegsanayo habab kala duwan iyo waxqabadyo dhiirigelin leh oo lagu horumarinayo xarunta ardayda fahamka iyo adeegsiga luqadda tacliimeed ee ku hadalka iyo qorista Ingiriisiga
  • muujinaya aqoonta isticmaalka qoraallada ku habboon (tusaale, daabacaadda, warbaahinta) iyo wax-ku-oolnimada, ka-qaybgalka luqadda afka, akhriska, iyo waxqabadyada qorista si loo fududeeyo awoodda ardayda ee tarjumaadda iyo ku dabaqida naxwaha Ingiriisiga iyo heshiisyada luqadeed ee akhriska, qorista, dhageysiga, iyo waxyaabaha hadalka
  • adeegsiga aqoonta istiraatiijiyadaha ee ka caawinaya ardayda inay xoojiyaan aqoonta naxwaha Ingiriisiga si loo wanaajiyo aqriskooda iyo fahamkooda (tusaale ahaan, iyadoo la siinayo fursado isdaba joog ah oo lagu dhageysto, lagu akhriyo, dib loogu akhriyo qalabka adeegsada luqadda tacliinta)
  • muujinaya aqoonta hababka rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee loogu talagalay qiimeynta horumarka luqadeed ee ardayda iyo fahamkooda iyo adeegsiga qaab dhismeedka iyo heshiisyada luqadda Ingiriisiga iyo muujinta awoodda tarjumaadda iyo adeegsiga natiijooyinka qiimeyntan si loogu qorsheeyo waxbarid wax ku ool ah
  • adeegsiga aqoonta istiraatiijiyadda (tusaale, wax barid gaar ah, wax-ka-qabadyo, kobcin) si wax looga qabto baahiyaha la qiimeeyay ee ardayda gaarka ah ee horumarinta luqadda tacliinta, oo ay ku jirto aqoonsiga siyaabaha qaab dhismeedka luqadeed iyo heshiisyada luqadeed ee qoran ee luqadaha kale ay uga duwanaan karaan Ingiriisiga iyo muhiimada caawinta Bartayaasha Ingiriisiga inay xirfadaha luqadda uga beddelaan afkooda hooyo una beddelaan Ingiriisiga

Farshaxanka Isgaarsiinta

0008

Fahan horumarinta xirfadaha wax qorista.

  • muujinaya aqoonta qaab dhismeedka iyo walxaha muhiimka ah ee qaababka kala duwan ee qorista (tusaale, xog bixinta, sharraxaad, qancin, sheeko)
  • muujinaya aqoonta farsamooyinka soo saarista mowduucyada iyo horumarinta fikradaha wax qorista (tusaale ahaan, su'aalaha maskaxda layska waydiiyo, iyadoo la adeegsanayo qabanqaabiyeyaasha garaafka)
  • muujinaya aqoonta geeddi-socodka wax qorista (tusaale, qorista, tafatirka) iyo istiraatiijiyado lagu horumarinayo kartida ardayda ee ku aaddan adeegsiga nidaamyadan in loogu qoro si karti leh, sax ah, iyo mala-awaal ah
  • falanqaynaya iyo dib u eegaya shaqada qoran ee la xiriirta abaabulka, midnimada, hufnaanta, iyo qaabka (tusaale ahaan, ku darista jumladaha mowduucyada, dib u hagaajinta jumladaha, tirtirka macluumaadka aan loo baahnayn)
  • muujinaya aqoonta istiraatiijiyadaha loogu talagalay sameynta su'aasha cilmi baarista iyo ka soo uruurinta macluumaadka daabacaadda iyo ilaha dhijitaalka ah ee habboon, qiimeynta kalsoonida il kasta, iyo dib u xoojinta baaritaanka sida ugu habboon
  • muujinaya aqoonta sida loo qoro doodaha iyadoo si cad loo soo bandhigayo sheegashooyinka; ku taageerida sheegashooyinka sababo cad oo habeysan iyo cadeymo la xiriira; iyo bixinta gabagabeyn ka dambaysa doodda la soo bandhigay
  • muujinaya aqoonta sida loo qoro qoraallo macluumaad iyo qoraal sharraxaad leh iyadoo la soo bandhigayo mowduuc, iyadoo la adeegsanayo qaab dhismeed habaysan oo abaabulan, horumarinta mowduuca oo ay la socdaan xaqiiqooyin la xiriira, iyadoo la adeegsanayo kala-guur habboon oo lagu caddeeyo xiriirka ka dhexeeya fikradaha, iyadoo la adeegsanayo ereyo qaas ah oo u gaar ah, iyo bixinta gabagabeyn ka socota macluumaadka ama sharaxaadda la soo bandhigay
  • muujinaya aqoonta sida loo soo koobo, loo soo xigto, dib looguna qoro xogta iyo gabagabada dadka kale iyo sida loo bixiyo macluumaadka aasaasiga ah ee buugaagta
  • muujinaya aqoonta sida loo qoro sheeko iyo qoraallo kale oo hal abuur leh si loo horumariyo waaya-aragnimo dhab ah ama mala awaal ama dhacdooyin iyadoo la adeegsanayo farsamooyin suugaaneed iyo sheeko, ereyo kala guur ah oo kala duwan, luqad ah sarbeeb iyo dareen leh, iyo gunaanad ku habboon oo la socda khibradaha ama dhacdooyinka la soo sheegay
  • adeegsanaya aqoonta istiraatiijiyadda ee lagu kobcinayo awoodda ardayda u leeyihiin adeegsiga luqadda qoran, oo ay ku jiraan ereyada tacliinta, in ay si wax ku ool ah ula xiriiraan dhagaystayaal kala duwan iyo ujeedooyin kala duwan
  • muujinaya aqoonta sida loo isticmaalo tikniyoolajiyadda, oo ay ku jiraan internetka, si loo soo saaro loona daabaco qoraal; loola xiriiriyo oo loo soo xigto ilaha; iyo si loola falgalo oo iskaashi loola yeesho dadka kale xagga qorista mashaariicda
  • muujinaya aqoonta hababka rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee loogu talagalay qiimeynta horumarka ardayga iyo muujinta awoodda tarjumaadda iyo adeegsiga natiijooyinka qiimeyntan si loogu qorsheeyo waxbarid wax ku ool ah
  • adeegsiga aqoonta istiraatiijiyadda (tusaale, waxbaridda kala-duwan, wax-ka-qabadka, kobcinta) si wax looga qabto baahiyaha la qiimeeyay ee ardayda gaarka ah ee qorista
0009

Fahan horumarka dhanka dhageysiga, hadalka, daawashada, iyo xirfadaha akhris-qorista warbaahinta.

  • muujinaya aqoonta sida loo qeexo dooda hadalka, sheegashooyinka gaarka ah, iyo dhagaystayaasha loogu talagalay, oo ay ku jiraan sida loo kala sooco sheegashooyinka ay taageerayaan sababaha iyo caddaymaha sheegashooyinka aan ahayn
  • muujinaya aqoonta istiraatiijiyadaha kaqeybgalka wax ku oolka ah ee wada hadalada wadajirka ah (tusaale, qof iyo qofka ah, koox yar iyo weyn, macallin uu hogaaminayo) oo lala yeesho la-hawlgalayaal kala duwan (tusaale, raacida xeerarka lagu heshiiyey, fiirsashada tilmaamaha aan hadalka aheyn, weydiinta su'aalaha cadeynta, qeexida aragtiyo badan) iyo aqoonsiga, maaraynta, iyo xalinta isku dhaca kooxaha (tusaale, isku tanaasulka, dhexdhexaadinta, xalinta dhibaatada)
  • muujinaya aqoonta xeeladaha lagu qiimeeyo noocyada kala duwan ee warbaahinta (tusaale, filinka, telefishan, ciyaaraha fiidiyowga, xayeysiisyada, daabacaadda iyo warbaahinta dhijitaalka ah) marka la eego saxnaanta iyo kalsoonida macluumaadka, ujeeddada, farriinta, dhagaystayaasha bartilmaameedka ah, iyo joogitaanka eex iyo fikradaha ku habboon
  • muujinaya aqoonta sida loo turjumo macluumaadka lagu soo bandhigay warbaahinta iyo qaabab kala duwan (tusaale ahaan, muuqaal ahaan, tiro ahaan, hadal ahaan) iyo falanqeynta sida ay wax ugu kordhinayso mowduuc, qoraal, ama arrin
  • muujinaya aqoonta sida looga warbixinayo mowduuc ama qoraal isla markaana loo soo bandhigo sheegashooyinka iyo natiijooyinka iyadoo loo kala saarayo fikradaha si macquul ah loona adeegsanayo sharraxaadda, xaqiiqooyinka, iyo faahfaahinta ku habboon si loo taageero fikradaha ama mawduucyada waaweyn
  • muujinaya aqoonta sida loola qabsado hadal leh noocyo kala duwan, dhagaystayaal, iyo hawlo iyo sida loogu isticmaalo isgaarsiinta aan hadalka ahayn si haboon (tusaale, mugga, dhaqaajinta, indha ku haynta)
  • muujinaya aqoonta sida loo abuuro shaqo badan oo warbaahin ah ama qayb ka mid ah isgaarsiinta dhijitaalka ah ujeeddo gaar ah leh (tusaale ahaan, si loo abuuro ama loogu dhax daro aqoonta, wadaagida khibradaha, qancinta, madadaalinta), daabacaadda shaqada, lana wadaagto dhagaystayaasha
  • muujinaya aqoonta lahaanshaha xuquuqda, sifeynta, mabaadi'da isticmaalka cadaaladda, rukhsadaha, ilaha la isticmaali karo, iyo saameynta noocyada ku saabsan heshiisyada ku-xirnaanshaha iyo sheegashada
  • aqoonsiga heerarka anshaxa iyo dhaqamada aaminka ah ee xiriirka bulshada iyo shaqsiyadeed ee isgaarsiinta iyo istaraatiijiyadaha lagu hubinayo in ardayda ay fahmaan una hoggaansamaan heerarkan iyo dhaqamadaan
  • muujinaya aqoonta ku saabsan sida loo bixiyo tilmaam cad iyo cashar hagitaan iyadoo la adeegsanayo habab iyo waxqabadyo kala duwan oo lagu horumarinayo agabka ardayda ee ku saabsan isgaarsiinta macluumaadka, ra'yiga, iyo fikradaha hadal iyo aragti ahaanba dhagaystayaal kala duwan loolana damacsan yahay ujeedooyin kala duwan
  • muujinaya aqoonta hababka rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee lagu qiimeeyo horumarka ardayda ee dhageysiga, hadalka, daawashada, iyo xirfadaha akhris-qorista warbaahinta iyo muujinta awooda tarjumaada iyo adeegsiga natiijooyinka qiimeyntan si loogu qorsheeyo waxbarid wax ku ool ah
  • adeegsanaya aqoonta istiraatiijiyadda (tusaale, waxbaridda kala-duwan, wax-ka-qabadka, kobcinta) si wax looga qabto baahiyaha la qiimeeyay ee ardayda gaarka ah ee horumarinta dhageysiga, hadalka, daawashada, iyo xirfadaha akhris-qorista warbaahinta

Xisaab

0010

Understand concepts of numerical literacy.

  • muujinaya aqoonta dareenka tirada (tusaale, qiimaha meesha, isukeenista, isbarbar dhiga iyo kala horeynta tirooyinka, qiyaasid, sinnaan)
  • ukala tarjumida bandhigyada lambarada u dhigma una adeegsiga xalinta dhibaatooyinka
  • muujinaya aqoonta fikradaha aragtida tirada (tusaale, sharciyada kala-qaybsanaanta, isirrada, labanlaabyada, tirooyinka kaamil ah, tirooyinka ugu sarreeya) iyo moodellada, hababka, iyo aaladaha sahaminta xidhiidhada tirada
  • muujinaya awooda lagu adeegsan karo nidaamyo xisaabeedyo kala duwan oo loogu talagay laguna xaliyo dhibaatooyinka laguna baaro macquulnimada xalalka
  • muujinaya aqoonta sifooyinka calaamadaha tirada (tusaale ahaan, wadaagid, qaybin) iyo xiriirka lambarada lambarro kale (tusaale, dhab ah, caqli gal ah)
0011

Fahan fikradaha qaababka, xiriirka, iyo shaqooyinka xisaabta.

  • aqoonsanaya oo kordhinaya tirada iyo qaababka joomatari
  • iyadoo la adeegsanayo qaabab, shaxyo, garaafyo, iyo xeerarka shaqada si loo xalliyo dhibaatooyinka dhabta ah ee dunida ka jira iyo xisaabta
  • garanaya xiriirka ka dhexeeya tirada kala duwan iyadoo la adeegsanayo matalaado kala duwan (tusaale, xeerarka shaqada, garaafyada, jaantusyada) iyo tarjumaadda u dhexeysa labadan matalaad
  • tarjumaya oo xalinaya isleegyada iyo sinaan la'aanta ku lug leh doorsoomayaasha iyo tirooyinka macquulka ah
  • aqoonsiga noocyada iyo sifooyinka shaqooyinka
0012

Fahan fikradaha goobta iyo qaabka.

  • garanaya sifooyinka, cabbirka toosan, iyo xaglaha
  • adeegsanaya aqoonta sifooyinka iyo cilaaqaadka udhaxeeya tirooyinka joomatari ahaan astaamo lagu cabirayo dunida dhabta ah iyo walxaha xisaabta
  • adeegsiga aqoonta isleegga iyo u beddelidda qaababka iyo sawirrada joomatariga
  • muujinaya aqoonta fikradaha cabbiraadda tooska ah iyo kuwa aan tooska ahayn (tusaale ahaan, mugga, cabbirka aagga dusha, cabirka, isu ekaanshaha, aragtida Pythagorean) ee tirooyinka laba iyo saddex-cabbirka iyo isticmaalka dhabta ah ee fikradahan
  • xulanaya cutubyada ku habboon ee cabbiraadda, beddelidda cabbiraada ee kujira nidaamyada cabbiraadda, iyo xallinta dhibaatooyinka cabbiraadda dunida dhabta ah
  • adeegsanaya aqoonta astaamaha iyo isticmaalka aaladaha barashada joomatariga (tusaale ahaan, qalabka wax lagu sawiro, borotakta, mastarad)
0013

Fahan fikradaha iyo farsamooyinka baaritaanka xogta iyo fikradaha kala sooc la'aanta iyo hubin la'aanta.

  • muujinaya aqoonta qalabka fikrad ahaan iyo hanaan ahaan loo isticmaalo aruurinta, abaabulka, iyo tarjumaadda xogta
  • adeegsanaya aqoonta talaabooyinka tirakoobka (tusaale, celcelis, dhexdhexaad, moodhka) falanqaynta xogta
  • adeegsanaya aqoonta farsamooyinka matalaadda iyo soo koobista xogta garaaf ahaan (tusaale ahaan, histogaraam, garaafka qaybinta soo noqnoqoshada, samaynta nooca stem-and-leaf, qabanqaabiyaasha garaafka ah)
  • ka tarjumaya oo sawirayana fikradaha xogta iyo go'aan ka gaarista xaaladaha dhibaatooyinka la dabaqay
  • adeegsanaya mabaadi'da ixtimaalka (tusaale ahaan, tirinta, muunada lambaro soo uruurinta, isi madaxbanaan u dhacda) si loo xalliyo dhibaatooyinka dhabta ah ee dunida ka jira iyo xisaabta ee ku lug leh dhacdooyinka fudud iyo kuwa isku dhafan
  • muujinaya aqoonta kala sooc la'aanta iyo muunad qaadista sahaminta iyo daraasadaha tijaabada ah
0014

Fahan fikradaha iyo adeegsiga xisaabta muuqaalada la tirin karo.

  • adeegsanaya aqoonta aragtida go'an (tusaale ahaan, jaantusyada Venn, midowga) iyo adeegsiyada dunida dhabta ah
  • adeegsanaya aqoonta kala horeysiinta iyo isku-darka iyo adeegsigoo dhabta ah
  • muujinaya aqoonta aragtida garaafka iyo adeegsigeeda dhabta ah
  • adeegsanaya aqoonta isku xujinta, taxanaha, iyo geeddi-socodka hawlgalka ee xallinta dhibaatooyinka
0015

Fahan hababka iyo aragtiyaha xisaabta.

  • muujinaya awooda lagu adeegsan karo sababaynta si loo male awaalo, loo cadeeyo fikradaha ama doodaha, loo dhiso doodaha macquulka ah si aan rasmi ahayn iyo si rasmi ah, iyo xalinta dhibaatooyinka ah xisaabta iyo kuwaan ahayn
  • muujinaya aqoonta isku xirnaanta fikradaha iyo nidaamyada xisaabeed iyo xiriirka ka dhexeeya xisaabta iyo dhinacyada kale (tusaale, maaliyadda, dhaqdhaqaaqa bulshada, qorsheynta ugu habboon)
  • muujinaya awooda lagula xiriira xisaab ahaan iyadoo loo turjumayo matalaado kala duwan (tusaale ahaan, hadal, shax, jaantus, astaan) fikradaha xisaabta iyo heerarka kala duwan ee qaab dhismeedka
  • xulanaya xeelado ku habboon si loo xalliyo dhibaatooyin xisaabeed oo kala duwan
  • muujinaya aqoonta taariikhda xisaabta iyo isdhexgalka kala duwan ee ka dhexeeyo dhaqanka iyo xisaabta
  • muujinaya aqoonta hababka isku dhafka aaladaha farsamada iyo kuwa aan farsamada ahayn xisaabta
  • adeegsanaya luqadda xisaabta si loo xalliyo dhibaatooyinka logana wada hadlo fahamka

Caafimaadka/Jir Dhiska iyo Farshaxanka Qurxinta

0016

Fahan fikradaha caafimaadka aasaasiga ah iyo waxbarashada jimicsiga.

  • muujinaya aqoonta ku saabsan kor u qaadista caafimaadka shakhsi ahaaneed iyo bulshada, ka hortagga cudurrada iyo badbaadada, iyo xulashooyinka nafaqada ee habboon
  • adeegsanaya aqoonta xeeladaha yareynta iyo ka hortagga shilalka; tubaakada, aalkolada, iyo isticmaalka daroogada kale; iyo xaaladaha iyo xiriirada halista badan
  • adeegsanaya aqoonta fikradaha dhaqdhaqaaqa iyo mabaadi'da helitaanka iyo horumarinta xirfadaha dhaqdhaqaaq samaynta
  • adeegsanaya aqoonta khibradaha barashada koritaanka ee ka caawiya ardayda inay gaaraan heer kor u qaadaya caafimaadka jir dhiska
0017

Fahan fikradaha aasaasiga ah ee farshaxanka muuqaalka iyo jilitaanka.

  • muujinaya aqoonta qaybaha aasaasiga ah ee muuqda, mabaadi'da, iyo ereyga farshaxanka muuqaalka iyo jilitaanka
  • muujinaya aqoonta sida loo adeegsado walxaha aasaasiga ah ee fafarshaxanka muuqaalka iyo jilitaanka iyo abuurista shaqada farshaxanka
  • adeegsanaya aqoonta xeeladaha kobcinta qaababka farshaxanka muujinta iyo astaamaha heerarka koritaanka carruurta ee farshaxanka muuqaalka iyo jilitaanka
  • garanaya doorka farshaxanka muuqaalka iyo jilitaanka

Saynis

0018

Fahan fikradaha la xiriira aqoonta sayniska, dhaqamada injineernimada, iyo su'aal weydiinta.

  • garanaya astaamaha aqoonta sayniska (tusaale, ku tiirsanaanta xogta la xaqiijin karo, isticmaalka moodellada aragtida) iyo hababka injineernimada (tusaale, qaababka dhismaha, naqshadeynta sifaynta), horumarka taariikheed ee fikradaha muhiimka ah, iyo sida dhaqamada iyo shakhsiyaadka kala duwan ay u saameeyeen ugana qayb qaateen horumarka sayniska iyo injineernimada
  • garanaya su'aalaha iyo fikradaha lagu baari karo baaritaan cilmiyeed ama ku shaqeynta injineernimada; isbarbardhiga noocyo badan oo baaritaan ah oo looga jawaabayo su'aalaha; iyo qiimeynta sharraxaadda kale iyo tusaalooyinka ku saleysan caddeynta, fahamka sayniska ee hadda jira, iyo caqliga
  • muujinaya aqoonta naqshadeynta baaritaanka sayniska (tusaale, tijaabinta la kontoroolay) iyo xalalka injineernimada (tusaale, soo saarida noocyada hore) iyo adeegsiga agab cilmiyaysan oo ku habboon, qalabka, iyo xisaabta sida aaladda sayniska
  • muujinaya aqoonta isku xirnaanta dhammaan qaybaha sayniska; u dhexeeya sayniska, injineernimada, iyo tikniyoolajiyadda; iyo inta udhaxeysa sayniska iyo maadooyinka kale ee iskuulka iyo isticmaalka fahamka sayniska iyo awoodaha marka go'aan laga gaarayo arrimaha shaqsiyan iyo bulshada
  • muujinaya aqoonta mas'uuliyadaha sharciga iyo tilmaamaha nabdoon ee la aqoonsan yahay ee barashada sayniska iyo isticmaalka saxda ah ee qalabka badbaadada loo baahan yahay ee fasalka, goobta, iyo goobaha sheybaarka
  • muujinaya aqoonta isticmaalka saxda ah iyo daryeelka kiimikooyinka, agabyada, iyo qalabka loo adeegsado in lagu barto sayniska iyo anshaxa iyo xaddidaadaha isticmaalka iyo daryeelka noolaha iyo ururinta tijaabooyinka sayniska iyo xogta
0019

Fahan fikradaha aasaasiga ah iyo mabaadi'da sayniska waxyaabaha muuqda.

  • adeegsanaya aqoonta qaab dhismeedka iyo sifooyinka maaddada iyo isbeddelka muuqda iyo kiimikada ee maaddada
  • falanqaynaya xoogagga ku shaqeeya walxaha (tusaale ahaan, iyadoo la adeegsanayo garaafyo si loo falanqeeyo dhaqdhaqaaqa walxaha xagga xawaaraha iyo jihada)
  • muujinaya aqoonta sifooyinka iyo astaamaha iftiinka, kuleylka, korontada, iyo birlabta
  • muujinaya aqoonta sifooyinka iyo astaamaha noocyada kala duwan ee tamarta iyo fikradaha la xiriira wareejinta, beddelida, iyo kaydinta tamarta
0020

Fahan fikradaha aasaasiga ah iyo mabaadi'da sayniska ku saabsan noolaha.

  • muujinaya aqoonta astaamaha, qaab dhismeedka, shaqooyinka, iyo geeddi-socodka nolosha ee dhirta, xayawaanka, iyo noolaha kale ee nool
  • muujinaya aqoonta geedi socodka jir noolaha ka dhax dhaco ee hagaajiyo oona ilaaliyo geedi socodka nolosha iyo sida ay habdhaqan ahaan uga falcelinayaan kiciyayaasha gudaha ama dibada jirka
  • adeegsanaya aqoonta wareegyada nolosha iyo hababka taranka ee noolaha guud iyo mabaadi'da dhaxalka ee u gudbinaya astaamaha jiilalka xiga
  • adeegsanaya aqoonta xiriirka ka dhexeeya noolaha iyo deegaankooda
  • aqoonsiga astaamaha iyo isdhexgalka bulshada dhexdeeda ee noolaha, oo ay kujirto saameynta ay ku hayaan aadanaha nidaamyada kaladuwan ee deegaanka
  • muujinaya aqoonta kala duwanaanta noolaha iyo siyaabaha ay noolaha ula qabsadeen deegaanadooda
0021

Fahan fikradaha aasaasiga ah iyo mabaadi'da sayniska ee ku saabsan Dunida iyo hadawa.

  • aqoonsanaya astaamaha, sifooyinka, iyo isticmaalka maaddooyinka laga helo Dunida
  • aqoonsanaya sifooyinka iyo astaamaha walxaha ku jira hawada sare (tusaale, qorraxda, meerayaasha, dhagax-xiddig)
  • adeegsanaya aqoonta booska Dunida iyo dhaqdhaqaaqa nidaamka qorraxda iyo isdhexgalka u dhexeeya Dunida, dayaxa, iyo qorraxda (tusaale, xilliyada, hirarka)
  • muujinaya aqoonta sifooyinka iyo geedi socodka qeybaha hawada Dunida ee hydrosphere, biosphere, atmosphere, iyo lithosphere iyo isdhexgalka ka dhexeeya
  • muujinaya aqoonta taariikhda Dunida, oo ay kujiraan geedi socodka juqraafi ahaan iyo jawiga ee isbeddelay oo qaabeeyey dusha sare ee Dunida iyo bay'addiisa iyo caddaynta isbeddelladan (tusaale, qalfoofka)
  • garanaya isdhexgalka ka dhexeeya aadanaha iyo nidaamyada Dunida (tusaale, isbadalada jawiga, roobka aashitada, dhul gariirka, daadadka)

Cilmiga Bulshada

0022

Fahan hababka iyo qalabka baaritaanka iyo xalinta dhibaatada ee cilmiga bulshada.

  • muujinaya aqoonta ilaha macluumaadka ee loo adeegsaday cilmiga bulshada iyo adeegsiga anshaxa (tusaale, ilaha aasaasiga ah, Internetka, xuquuqda daabacaadda, xigashooyinka ilaha)
  • aqoonsanaya heerarka geeddi-socodka baaritaanka (tusaale ahaan, horumarinta su'aasha muhiimka ah; sameynta mala-awaal; raadinta, ururinta, iyo abaabulidda cilmi-baaris taariikhi ah)
  • adeegsanaya aqoonta isticmaalka aaladaha baaritaanka iyo xalinta dhibaatada (tusaale, garaafyada, khariidadaha, jadwalka)
  • adeegsanaya aqoonta geeddi-socodka cilmiga bulshad ee kala duwan (tusaale, kala-duwanaanta xaqiiqooyinka fikradaha, garashada cilaaqaadka sababaha-iyo-saamaynta, qiimeynta kalsoonida macluumaadka ilaha)
0023

Fahan sifooyinka iyo isdhexgalka ka dhexeeyo dadka, meelaha, iyo bay'ada.

  • adeegsanaya aqoonta mawduucyada waaweyn ee juqraafiga (sida, meesha, goobta, gobolka, dhaqdhaqaaqa, iyo isdhexgalka ka dhexeeyo bulshada iyo deegaanka)
  • muujinaya aqoonta astaamaha dhaqammada soo jireenka ah iyo kuwa casriga ah iyo waxtarkooda taariikheed, oo ay ku jiraan dhaqammada qabiilooyinka Hindida Mareykanka ee fadhigoodu yahay Minnesota
  • muujinaya aqoonta aragtiyaha taariikhiga ah iyo kuwa casriga ah ee xilliyadii muhiimka ahaa, mawduucyada, shakhsiyaadka, iyo xidhiidhada isku xiga ee Mareykanka iyo Minnesota
  • muujinaya aqoonta aragtiyaha taariikhiga ah iyo kuwa casriga ah ee xilliyadii muhiimka ahaa, mawduucyada, shakhsiyaadka, iyo xidhiidhada isku xiga ee aduunka
  • muujinaya aqoonta kheyraadka dabiiciga ah iyo sida maamulkooda iyo adeegsigooda u saameynayo deegaanka
  • muujinaya aqoonta deegaanka oo ah fikrad isku dhaf ah oo laga helayo qeybaha kala duwan ee cilmiga
0024

Fahan astaamaha iyo is dhexgalka u dhexeeya shakhsiyaadka, kooxaha, iyo hay'adaha.

  • muujinaya aqoonta sifooyinka noocyada kala duwan ee dowladda, oo ay ku jiraan dawladaha qabiilooyinka Hindida Mareykanka ee fadhigoodu yahay Minnesota, iyo sababaha dadku u abuuraan una beddelaan dawladaha
  • muujinaya aqoonta asalka, qiyamka asaasiga ah ee dimoqraadiyadda, iyo mabaadi'da dimoqraadiyadda dastuuriga ah ee Mareykanka
  • muujinaya aqoonta qaab dhismeedka iyo shaqooyinka dowladda Mareykanka
  • aqoonsanaya xuquuqda iyo waajibaadka shakhsiyaadka ka saaran bulshada dhexdeeda iyo himilooyinka, mabaadi'da, iyo dhaqannada dhiirrigeliya ka-qaybgalka bulshada wax-soo-saarka leh
  • muujinaya aqoonta fikirka, barashada, xusuusta, dhaqanka, iyo horumarka gaarka ah ee shakhsiyadda iyo aqoonsiga aadanaha
  • muujinaya aqoonta isdhexgalka u dhexeeya shakhsiyaadka, kooxaha, dhaqamada, iyo hay'adaha bulshada dhexdeeda
  • muujinaya aqoonta fikradaha isku xirnaanta adduunka iyo xilliga xoriyada, oo ay ku jiraan baahiyaha iyo rabitaanka iyo sida dadku isugu abaabulaan soo-saarka, qaybinta, iyo cunidda badeecadaha iyo adeegyada
  • muujinaya aqoonta ku saabsan adeegsiga fikradaha dhaqaalaha iyo mabaadi'da qorshaynta maaliyada ee shaqsiyeed, miisaaniyadda, kharashka, maalgashiga, amaahda, iyo go'aanada caymiska
  • muujinaya aqoonta xiriirka ka dhexeeya sayniska, tikniyoolajiyadda, iyo bulshada