Pedagogy: Early Childhood (Birth to Grade 3) (Somali)

Test Framework

Imtixaan yaraha I (Test Code 411)
Qeyb mowduuceedka Ujeeddooyinka Xadka la doonayo Qiyaas ahaan Miisaanka Imtixaan yaraha
I. Horumarinta Caruurta iyo Barashada 0001–0003 50%
II. Deegaanka Barashada 0004–0006 50%
Imtixaan yaraha II (Test Code 412)
Qeyb mowduuceedka Ujeeddooyinka Xadka la doonayo Qiyaas ahaan Miisaanka Imtixaan yaraha
I. Wax baris iyo Qiimayn 0007–0009 50%
II. Doorarka iyo Mas'uuliyadaha Xirfadeed 0010–0012 50%

Horumarinta Caruurta iyo Barashada

0001

Fahan horumarka laga bilaabo dhalashada ilaa iyo sideed sano iyo sida loo bixiyo fursado waxbarasho oo ka taageera caruurta xagga jir ahaan, bulsho, shucuur, akhlaaq, luuqad, garashada iyo kobaca hal abuurka.

  • adeegsiga aqoonta aragtiyaha waaweyn ee horumarka caruurta da' yarta ah (tusaale, aragtida Erik Erikson ee horumarinta nafsaani-bulsho) iyo saamaynta ay ku leeyihiin la dhaqanka carruurta yaryar laga bilaabo dhalashada ilaa da'da siddeedaad iyo qoysaskooda
  • muujinta aqoonta sifooyinka koritaanka, marxaladaha, geedi socodyada, iyo horumarka xagga jirka, bulshada, shucuurta, akhlaaqda, luqadda, garashada, iyo kobcinta hal-abuurka ee carruurta yaryar
  • muujinta aqoonta sida carruurta yaryari ugu kala duwan yihiin horumarkooda iyo sida loo taageero horumarinta carruurta gaarka ah ee leh astaamaha iyo baahiyaha la bixiyay
  • adeegsiga aqoonta sida korriinka cunugga sannadaha ugu horreeya noloshiisa u saameeyso horumarka iyo barashada xigta iyo sida horumarka dhinac kasta (tusaale ahaan, jir ahaan; dareen; luqad; garashada, oo ay ku jirto kobcinta maskaxda) ay u saamayn karto horumarka iyo waxqabadka qaybaha kale
  • muujinta aqoonta cilmi-baarista iyo habdhaqanka ugu wanaagsan ee lagu daboolo baahiyaha carruurta yaryar; kor u qaadista koritaanka iyo kobcinta jirka, bulshada, shucuurta, akhlaaqda, luqadda, garashada, iyo hal-abuurka; iyo in la dhiso xiriir daryeel wanaagsan oo lala yeesho carruurta yaryar
  • garashada sida arrimo kala duwan (tusaale ahaan, dareenka "lahaanshaha" iyo "isku xirnaanta qoyska"; xaaladaha qoyska, dhaqanka, iyo bulshada; walbahaarka iyo naxdinta; adkeysiga; xiriirka taageerada; barashada hore, kartida) ay u saamayn karto horumarka carruurta yaryar, oo ay ku jirto horumarinta maskaxda caafimaadka, iyo diyaar u ahaanshaha barashada
0002

Fahan geeddi-socodyada barashada iyo sida loo bixiyo khibrado kor u qaadayo waxbarashada iyo guulaha caruurta yaryar.

  • adeegsiga aqoonta aragtiyaha waaweyn ee wax barashada (tusaale, dhismaha, aragtida barashada Vygotsky) iyo saamayntooda ay ku leeyihiin la dhaqanka carruurta yaryar laga bilaabo dhalashada ilaa da'da siddeedaad iyo qoysaskooda
  • muujinta aqoonta sida horumarka iyo waxbarashadu isugu jiraan; sida horumarka carruurta yaryar u saameeyo waxbarashada; iyo siyaabaha wax looga qaban karo arrimaha kobcinta marka la qorshaynayo lana hirgalinayo khibradaha waxbarasho
  • muujinta aqoonta sida caruurta yaryar ay wax u bartaan, u dhex galaan aqoonta, una horumariyaan waxqabadka iyo xirfadaha fikirka iyo sida loo hirgeliyo hababka ugu wanaagsan ee kor loogu qaadayo waxbarashada carruurta yaryar
  • adeegsiga aqoonta xeeladaha isticmaalka xoogagga carruurtaada yaryar oo saldhig u ah dhiirrigelinta barashada iyo khaladaadka carruurta inay u noqdaan fursado waxbarasho
  • muujinta aqoonta istiraatiijiyadaha ee ka caawinaya caruurta yaryar inay dhisaan wax macno leh (tusaale ahaan, isku xirka fikradaha cusub iyo fikradaha la yaqaan, xiriir ka sameynta khibradaha caruurta; siinta fursado hawlgalka firfircoon, wax beddelida walxaha, iyo tijaabinta fikradaha iyo qalabyada)
  • muujinta aqoonta waxyaabaha saameeya barashada caruurta yaryar (tusaale ahaan, aqoon iyo khibrad hore, heerka koritaanka, caafimaadka, xaaladaha dhaqaale, dabeecadaha macallinka, duruufaha qoyska, deegaanka bulshada) iyo sida loo bixiyo khibradaha waxbarasho ee ka jawaabaya khibradaha, sifooyinka, iyo baahiyaha kaladuwan ee caruurta
  • aqoonsiga istiraatiijiyadaha lagu dhiirrigelinayo caruurta yaryar inay qaataan mas'uuliyadda qaabeynta howlaha iyo natiijooyinka waxbarashadooda
  • muujinta aqoonta sida gaarka ah ee hababka iyo habraacyada waxbarista, oo ay kujirto adeegsiga tikniyoolajiyadda, saameyn ku yeelato geedi socodka iyo natiijooyinka waxbarashada
0003

Fahan kala duwanaanta caruurta yaryar iyo sida loo bixiyo fursado waxbarasho oo buuxiya baahiyaha caruurta leh sooyaallo kala duwan iyo waxyaabo gaar ah iyo sare u qaadista dhammaan waxbarashada iyo guusha caruurta.

  • muujinta aqoonta sida carruurta yaryari ugu kala duwan yihiin hababkooda waxbarasho (tusaale ahaan, kala duwanaanshaha qaababka barashada iyo hababka waxqabad ee la doorbiday, garashada badan) iyo sida loo taageero barashada ilmo kasta
  • adeegsiga aqoonta aagagga gaarka ah (tusaale ahaan, caqabadaha jireed ama maskaxeed ee gaarka ah, dhibaatooyinka fahamka, naafonimada barashada, hadiyadaha, kartida) iyo xeeladaha kor u qaadista barashada carruurta yaryar ee leh waxyaalo gaar ah, oo ay ku jirto ogaanshaha goorta iyo sida loo helo adeegyada iyo ilaha ku habboon si loo daboolo baahida ilmaha
  • muujinta aqoonta xiriirka ka dhexeeya dhaqanka, afka, iyo fikirka; shaqada luuqada hooyo ee horumarinta iyo barashada carruurta yaryar; habka barashada luuqada labaad; iyo xeelado lagu taageerayo waxbarashada carruurta yaryar oo afkooda koowaad uusan ahayn Ingiriis, oo ay ku jirto ogaanshaha goorta iyo sida loo helo adeegyada iyo ilaha ku habboon si loo daboolo baahiyaha carruurta
  • muujinta aqoonta sida loo isticmaalo agabyadaa tikniyoolajiyadda si loogu fududeeyo barashada caruurta yar-yar ee leh asalo, astaamo, baahiyo, iyo kartiyo kala duwan
  • muujinta aqoonta tabarucyada, sifooyinka, iyo qaab nololeedka dadka bulshada Mareykanka ah; dawladda, taariikhda, luqadda, iyo dhaqanka kooxaha Hindida Mareykanka ee fadhigoodu yahay Minnesota; iyo siyaabaha loo bixiyo khibradaha waxbarasho ee ka tarjumaya kana jawaabaya caruurta kala duwan ee bulshada, dhaqanka, iyo qoysaska
  • muujinta aqoonta kala duwanaanta dhaqanka iyo bulshada iyo xeerarka; sida wax looga barto looguna daro khibradaha caruurta, dhaqankooda, iyo ilaha bulshada mid barasho; iyo sida aragtiyo badan layskugu keeno barashada aagagga mawduucyada
  • muujinta aqoonta sida loo aqoonsado loogana jawaabo fikradaha xunxun ee ku saabsan kala-duwanaanta, oo ay ku jiraan eexda, takoorka, iska-necbeysiga, iyo cunsuriyada mid hay'ad iyo mid shaqsiyadeedba iyo necbeysiga jinsiga, iyo sida loo abuuro bulsho waxbarasho taas oo kala-duwanaanta kooxaha iyo shaqsiyaadka la qiimeeyo lana ixtiraamo
  • aqoonsanaya ahmiyada ay u leedahay macalimiinta aaminaada dhamaan awooda caruurta. iyadoon la fiirinaynin asalkooda, inay wax ku bartaan heerarka ugu sareeya iyo ka go'naanshaha inay ku adkeystaan caawinta caruurta oo dhan si ay u gaaraan guusha arday ahaan

Deegaanka Barashada

0004

Fahan sida loo dejiyo jawi waxbarasho badbaado leh, loo wada dhan yahay, oo wanaagsan oo dhiirigeliya isdhexgalka bulshada ee wanaagsan, ka qeyb qaadashada firfircoon, iyo is-dhiirigelinta.

  • muujinta aqoonta sida loo aasaaso loona ilaaliyo jir ahaan iyo maskax ahaan nabdoonaanta iyo bay'ada waxbarashada caafimaadka leh ee carruurta yaryar iyo sida loo qiimeeyo bay'ada carruurta xilliga hore si loo hubiyo badbaadada jirka iyo shucuurta carruurta
  • muujinta aqoonta sida loo kobciyo jawiga fasalka ee wanaagsan loona abuuro jawi waxbarasho oo daboolaya baahiyaha carruurta yaryar, oo ay ku jiraan baahiyaha jireed, iyo taas oo kor u qaadeysa isku-kalsoonaanta, ka-qaybgalka firfircoon, iyo xiriirka wanaagsan ee dadka dhexdooda ah dhammaan carruurta
  • muujinta aqoonta caafimaad, nafaqo, iyo hababka maaraynta amniga; khataraha deegaanka; iyo arrimaha deegaanka iyo xaaladaha kor u qaada caafimaadka carruurta, badbaadada, iyo koritaanka jireed
  • aqoonsashada taxaddarrada caalamiga ah ee lagu xaddidayo faafidda cudurrada safmarka ah, astaamaha cudurrada caadiga ah, hababka qiimeynta caafimaadka, iyo sida loogu taliyo in loo gudbiyo caafimaadka iyo adeegyada bulshada ee habboon marka loo baahdo
  • muujinta aqoonta sida looga caawiyo caruurta yaryar inay u shaqeeyaan si wax soo saar leh ayna iska kaashadaan midba midka kale xaalado kala duwan iyo sida loo abuuro xiriiro asaag ah oo kobciya barashada
  • muujinta aqoonta rajooyinka laga qabo isdhexgalka dadka, doodaha, iyo masuuliyada mid shaqsiyeed iyo mid kooxeedba oo abuuraya jawi wanaagsan ee aan lahayd xadad, lehna is ixtiraam, taageero, baaritaan, iyo barasho
  • adeegsiga aqoonta dhiirrigelinta aadanaha, dhaqanka, iyo kooxaha bulshada, oo ay ku jiraan mabaadi'da cilmu-nafsiga, cilmiga dadka iyo dhaqamadooda, iyo cilmiga bulshada, si loo aqoonsado istiraatiijiyado wax ku ool ah oo lagu dhiirrigelinayo barashada caruurta yaryar iyo abaabulka iyo taageeridda shaqsi iyo koox
  • muujinta aqoonta sababaha iyo xaaladaha dhiirrigeliya ama yareeya dhiirrigelinta iyo xeeladaha lagu dhiirrigelinayo carruurta (tusaale ahaan, la xiriiridda waxbaridda danaha carruurta, u oggolaanshaha carruurta inay ikhtiyaar u yeeshaan waxbarashadooda, ku hoggaaminta carruurta inay su'aalo weydiiyaan oo ay raacaan dhibaatooyinka macnaha u leh iyaga)
  • aqoonsashada sida dhiirigelinta aasaasiga ahi sare ugu qaado barashada caruurta ee nolosha oo dhan iyo sida isticmaalka istaraatiijiyado dhiirrigelin oo kala duwan u dhiirrigelin karto horumarka ee xirfadaha iyo kartida joogtada ah
  • muujinta aqoonta sida loo falanqeeyo jawiga fasalka iyo go'aan qaadashada iyo hagaajinta si kor loo hagaajiyo xiriirada bulshada iyo kordhinta dhiirigelinta caruurta iyo ka qaybqaadashadooda
0005

Fahan sida loo abuuro jawi waxbarasho abaabulan, waxsoosaar leh iyo jawi waxbarasho oo horumarineed ku habboon kaas oo sare u qaadaya dhammaan kaqeybgalka caruurta iyo waxbarashadooda.

  • muujinta aqoonta saamaynta goob muuqaal, jadwal, hab-raacyo, iyo kala-guurka carruurta yaryar iyo sida loo adeegsado aqoontan si kor loogu qaado horumarka iyo barashada carruurta
  • muujinta aqoonta jadwalka iyo waxqabadyada dhiirrigeliya jawi waxbarasho oo wax soo saar leh oo loogu talagalay carruurta yaryar, dhiirrigaliya barashada ujeeddada leh iyo dhammaan kaqaybgalka carruurta oo dhan, oo daboola baahiyaha carruurta si loogu dheellitiro hawlaha firfircoon iyo kuwa xasilloon, waayo-aragnimada bulshada iyo keli ahaanta, kala-guurka lagu kalsoonaan karo, iyo nasashada
  • adeegsiga aqoonta sida loo abuuro bay'ado waxbarasho oo horumar ahaan ku habboon dhallaanka iyo socod baradka, carruurta aan gaarin da'da dugsiga, iyo carruurta da'da dugsiga gaaray oo fursad u siiya ciyaarta, wax ka beddelka firfircoon ee alaabta la taaban karo, doorashada ilmaha iyo go'aan-qaadashada, sahaminta deegaanka, iyo isdhexgalka dadka kale
  • muujinta aqoonta sida loo isticmaalo qalabka waxbarashada ee carruurta yaryar oo dheellitiraysa baahiyaha koritaanka madaxbannaanida iyo sahaminta firfircoon ee baahida badbaadada iyo caafimaadka
  • adeegsiga aqoonta tilmaamaha iyo farsamooyinka maareynta ee ku habboon astaamaha koritaanka ee carruurta yaryar, taageeraan baahidooda dareenka amniga iyo isku-kalsoonaanta, iyo fududeynta barashada iyo horumarka (tusaale ahaan, abuurista filashooyinka isgaarsiinta iyo dabeecadda, dhiirri-gelinta is-dabagalka dabeecadda, maareynta kala-guurka, maareynta agabyada)
  • muujinta aqoonta sida loo abaabulo, loo qoondeeyo, loona maamulo agabyada (tusaale, waqtiga, booska, u fiirsashada) si loogu dhiirrigeliyo caruurta yaryar waxbarashadooda iyo ka qaybqaadashada firfircoon ee howlaha wax soo saarka leh
  • adeegsiga aqoonta sida loo qaabeeyo loona maareeyo bulshooyinka waxbaranaya taas oo caruurtu ay qaataan mas'uuliyadda naftooda iyo midba midka kale, soo bandhigaya wada shaqaynt iyo ballanqaad, ka qayb qaadashada go'aan qaadashada, qaab ah iskaashi iyo madaxbannaani labadaba u shaqeynaya, iyo ku lug lahaanshaha waxqabadyo waxbarasho oo ujeedo leh
  • muujinta aqoonta sida loo falanqeeyo jawiga wax barashada iyo go'aan qaadashada iyo hagaajinta si kor loogu qaado wax soo saarka iyo kaqeybgalka
0006

Fahan sida loo isticmaalo farsamooyinka isgaarsiinta hadalka ah, aan hadalka ahayn, iyo warbaahinta ee wax ku oolka ah looguna talagalay dhiirigelinta su'aalaha jira, waxbarashada, iskaashiga, iyo isdhexgalka taageerada ee fasalka.

  • adeegsiga aqoonta aragtida isgaarsiinta, horumarinta luqadda, doorka luqadda ku leedahay barashada, iyo u adeegsiga luqadda ujeedooyin kala duwan (tusaale, si kor loogu qaado iska warbixinta, horumarinta aqoonsiga, barashada)
  • muujinta aqoonta sida astaamaha kala duwan yihiin (tusaale, da'da, jinsiga, asalka dhaqameed, asalka luqadda, gaar ahaaneed) ayaa saameyn ku yeelan kara wada hadalka caruurta yaryar ee fasalka iyo sida ugu habboon ee loola xiriiro dhammaan caruurta (tusaale, adeegsiga xirfadaha dhegeysiga firfircoon, ereyada ku habboon, iyo tilmaamayaasha aan hadalka aheyn)
  • muujinta aqoonta farsamooyinka isgaarsiinta hadalka ah, aan hadalka ahayn, iyo warbaahinta ee gudbinta fikradaha iyo macluumaadka iyo gaaritaanka yoolalka la cayimay (tusaale, bixinta jawaab celin, dhisida isku kalsoonaanta caruurta)
  • aqoonsashada istiraatiijiyadaha lagu taageerayo laguna balaarinayo sharaxaada caruurta yaryar ee xagga hadalka, qoraalka, iyo warbaahinta kale iyo kobcinta xiriirka xasaasiga ah ee ardayda iyo caruurta oo dhan
  • muujinta aqoonta sida loo isticmaalo noocyada kala duwan ee warbaahinta iyo teknoolojiyada waxbarashada si loo kobciyo fursadaha waxbarasho ee caruurta yaryar
  • adeegsashada aqoonta istiraatiijiyadaha hagaajinta isgaarsiinta si kor loogu qaado fahamka iyo kaqeybgalka caruurta yaryar
  • muujinta aqoonta ujeedooyinka kala duwan ee su'aala waydiinta (tusaale, dhiirrigelinta doodda, baaritaanka fahamka, ka caawinta caruurta inay muujiyaan fikradahooda iyo hababka fikirida, dhiirrigelinta u bareerida halista wax soo saarka iyo xallinta dhibaatada, fududeynta xusuusta, dhiirigelinta fikirka midaysan iyo kaladuwanaanta, dhiirrigelinta xiisaha) iyo farsamooyinka su'aalo waydiimaha wax ku ool ah oo ku saabsan xaalado waxbarasho oo kala duwan

Wax baris iyo Qiimayn

0007

Fahan noocyada kala duwan ee qiimeynta iyo fiirinta; xiriirada ka dhexeeya qiimeynta, tilmaamaha, iyo barashada; iyo isticmaalka qiimeynta si loo hubiyo horumarka caruurta yaryar ee joogtada ah iyo gaaritaanka heerarka iyo ujeedooyinka la qeexay.

  • muujinta aqoonta sifooyinka, adeegsiga, faa'iidooyinka, iyo xaddidaadaha noocyada kala duwan ee qiimaynta aan rasmiga ahayn iyo midda rasmiga ah (tusaale, u kuurgalka macallinka, qiimaynta ku salaysan waxqabadka, bortofooliyada, imtixaanka macallimiintu sameeyeen, is-qiimaynta, qiimeynta asaagga, imtixaanka dhibcaha leh [criterion-referenced test), imtixaan isbarbar dhiga shaqsiyaadka [norm-referenced test])
  • muujinta aqoonta cabirka, fikradaha udub dhexaadka u ah qiimeynta (tusaale, ansaxnimada, kalsoonida, eexda), farqiyada u dhexeeya qiimeynta iyo baarista, iyo doorka qiimeynta ay ku leedahay barista iyo barashada
  • muujinta aqoonta ujeedooyinka qiimeynta (tusaale, kormeerka, isbarbardhiga, baaritaanka, ogaanshaha); hababka loo maareeyo qiimeynta; iyo sida loo xusho, loo dhiso, loona isticmaalo istaraatiijiyadaha qiimeynta, aaladaha, iyo teknolojiyada ujeedooyinka iyo baahiyaha kala duwan leh, oo ay ku jirto qiimeynta horumarka caruurta ee lagu gaarayo heerarka gobolka
  • adeegsiga aqoonta xeeladaha isdhexgalka qiimeynta iyo barashada iyo adeegsiga qiimeynta si loo garto awoodaha carruurta, baahiyaha, iyo qaababka waxbarashada; loola socdo horumarka carruurta; loo qorsheeyo, qiimeeyo, oo shaqsiga loogu gaaryeelo manhajka iyo hababka waxbaridda; iyo kor u qaadida koritaanka carruurta iyo helitaanka fursado waxbarasho oo wax ku ool ah
  • muujinta aqoonta sida loo fiiriyo, loogu kuuro galo, loona qiimeeyo horumarka iyo barashada carruurta yaryar iyo sida carruurta looga qaybgeliyo is-qiimaynta si loo garto xooggooda iyo baahidooda loona dejiyo yoolal shaqsiyeed
  • aqoonsashada ahmiyada ay leedahay adeegsiga qiimeyn badan iyo istaraatiijiyad wax looga bedelayo qiimeynta fasalka ee caruurta leh astaamo iyo baahiyo kaladuwan (tusaale ahaan, bartayaasha luuqada Ingiriisiga, caruurta leh waxyaabaha gaarka ah)
  • muujinta aqoonta sida loo sameeyo loona ilaaliyo diiwaanada waxqabadka ardayga; adeegso agabyada teknolojiyada si loo ururiyo loona falanqeeyo xogta loona tarjumo natiijooyinka; loolana xiriiro si masuuliyad leh oo wax ku ool ah caruurta, waalidiinta/dadka caruurka mas'uulka ka ah, iyo asxaabtooda waxqabadka iyo horumarka
  • muujinta aqoonta sida loo horumariyo loona adeegsado aaladaha qiimaynta barnaamijka qaabaynta iyo soo koobista si kor loogu qaado loona ilaaliyo tayada barnaamijka carruurta, qoysaska, iyo bulshada
0008

Fahan sida loo isticmaalo hababka qorshaynta ee wax ku oolka ah si loo qorsheeyo manhaj wax ku ool ah, oo ku habboon koritaan iyo waayo-aragnimo waxbarasho dhammaan carruurta.

  • muujinta aqoonta hababka ugu wanaagsan ee qorsheynta iyo naqshadeynta manhajka iyo waayo-aragnimada barashada ee carruurta yaryar
  • muujinta aqoonta sida loo qorsheeyo manhajka iyo waayo-aragnimada barashada ee carruurta yaryar oo ku salaysan aqoonta kobcinta ilmaha; carruur gaar ah; aragtida barashada; sifooyinka carruurta, fikirka, iyo waaya-aragnimadii hore; bulshada; iyo ujeedooyinka manhajka iyo mawduuca
  • adeegsiga aqoonta sida loo adeegsado noocyada kala duwan ee macluumaadka iyo ilaha xogta, oo ay ka mid tahay indho-indhaynta, si loo go'aamiyo baahiyaha carruurta yaryar, danaha, dookhyada, iyo siyaabaha looga jawaabo dadka iyo waxyaabaha; si loo qeexo yoolalka waxbarashada; iyo in la doorto habab iyo agabyo la dejin karo carruurta leh sifooyin iyo baahiyo kala duwan
  • muujinta aqoonta sida loo qorsheeyo waaya-aragnimada barashada oo ay ku jiraan fikradaha carruurta yaryar, baahiyaha, danaha, dhaqanka, iyo waayo-aragnimada guriga; oo ku habboon ujeeddooyinka manhajka; kuna salaysan mabaadi'da baridda iyo barashada wax-ku-oolka ah (tusaale ahaan, dhaqaajinta aqoonta hore, filashada fikradaha hore, dhiirigelinta sahaminta iyo xallinta dhibaatooyinka, dhisidda xirfado cusub kuwii hore loo helay)
  • muujinta aqoonta sida loo qaabeeyo casharrada iyo waxqabadyada ka shaqeeyo heerar badan si loo daboolo baahiyaha horumarineed iyo kuwo shaqsiyeed ee caruurta yaryar iyo in laga caawiyo dhammaan caruurta inay horumar gaaraan
  • adeegsiga aqoonta sida loo abuuro qorshooyinka gaagaaban iyo kuwa fog ee ku xiran baahida caruurta iyo waxqabadkooda, sida loo qiimeeyo qorshooyinka laxiriira yoolalka gaagaaban iyo kuwa fog, iyo hagaajinta qorshooyinka si loo daboolo baahiyaha caruurta loona xoojiyo waxbarashada
  • muujinta aqoonta xirfadaha iyo istiraatiijiyadaha ku lug lahaanshaha qorshe wax ku ool ah xaaladaha cayiman (tusaale ahaan, la shaqeynta asxaabtaada si loo qorsheeyo waxbarista, ku darida manhajka iyo abuurista cutubyo kala duwan oo daraasad ah, maareynta ilaha teknolojiyadda inta lagu gudajiro howlaha waxbarashada, ku maareynta barashada caruurta jawi tiknoolajiyadeed oo isku dhafan)
0009

Fahan sida loo hirgeliyo manhaj ku habboon horumarinta iyo waxbarasho waaya-aragnimo oo kor u qaada dhammaan horumarka carruurta iyo kobcinta horumarinta fikirka, xallinta dhibaatooyinka, iyo xirfadaha wax-qabadka.

  • muujinta aqoonta mabaadi'da iyo dhaqamada la xiriira waayo-aragnimada barashada ku habboon horumarka (tusaale, ciyaar, mashaariic koox-yar, su'aalo aan jawaabo cayiman aan lahayn, wada-hadal kooxeed, xallinta mushkiladda, barashada wada-shaqaynta, waayo-aragnimada wax-weydiinta, barashada maaddooyinka kala duwan, wax-qabadyada gacanta, farsamooyin ku salaysan barashada, daahfurka la hagayo, dhaqanka la hagayo, tusaalaha) iyo adeegsiga noocyada kala duwan ee waayo-aragnimada barashada si kor loogu qaado barashada carruurta iyo gaaritaanka heerarka gobolka
  • adeegsiga aqoonta hababka ugu wanaagsan ee hirgelinta manhajka iyo waayo-aragnimada waxbarashada carruurta yaryar, oo ay ku jirto hirgelinta waayo-aragnimo waxbarasho oo isku-dhafan oo la adeegsanayo fikradaha carruurta, baahiyaha, danaha, dhaqanka, iyo waayo-aragnimada guriga
  • aqoonsiga geedi socodka garashada ee laxiriira noocyada kaladuwan ee barashada iyo istaraatiijiyadaha edbinta ee kicin kara hababkan kobciyana horumarka fikirka caruurta, xalinta dhibaatooyinka madaxa banaan, iyo awooda waxqabadka
  • muujinta aqoonta sida loo horumariyo, loo hirgeliyo, loona qiimeeyo qorshooyinka casharka ee adeegsada istaraatiijiyado kala duwan, habab, iyo agabyo, ay ka mid yihiin ilaha farsamada, si kor loogu qaado barashada
  • muujinta aqoonta ahmiyada ay leedahay in si isdaba joog ah loola socdo wax ku oolnimada barida iyo in si dabacsan looga jawaabo fahamka caruurta, fikradaha, baahiyaha, kaqeybgalka, iyo jawaab-celinta (tusaale, iyadoo la badalayo xawaaraha casharka, iyadoo la adeegsanayo habab kala duwan oo waxbarid ah, iyadoo laga faa'iideysanayo fursada waxbarasho ee aan la filayn)
  • adeegsiga aqoonta hababka horumarineed ee ku habboon si loo gaaro himilooyin cayiman (tusaale, kobcinta xiisaha, xallinta dhibaatooyinka, go'aaminta) iyo buuxinta baahiyaha kala duwan ee carruurta (tusaale, adeegsiga xeelado kooxeedyo kala duwan; kala-duwanaanshaha barashada; adeegsiga xeelado badan oo waxbaridda isla nuxurka; adeegsiga ilo waxtar leh iyo agab, ay ku jiraan kombiyuutarro iyo ilo kale oo farsamo)
  • muujinta aqoonta sida loo isticmaalo habab badan si kor loogu qaado kaqeybgalka iyo barashada iyo sida loo kala duwo nidaamka waxbarista si loo gaaro ujeedooyin la bixiyay iyo looga jawaabo baahiyaha caruurta
  • muujinta aqoonta sida loo horumariyo bandhig sax ah, cad oo matalaya fikradaha, isticmaal sharraxaadyo kale si kor loogu qaado fahamka caruurta, iyo soo bandhigida aragtiyo kala duwan si loo dhiirrigeliyo noocyada kala duwan ee fikirka
  • adeegsiga aqoonta sida loo isticmaalo farsamada waxbarashada si kor loogu qaado barashada carruurta yaryar ee ka shaqeeya heerar iyo dariiqyo kala duwan, dhiirrigeliya heerarka waxbarasho ee horumarsan, iyo ballaarinta aqoonta carruurta ee ku saabsan farsamada iyo isticmaalkeeda

Doorarka iyo Mas'uuliyadaha Xirfadeed

0010

Fahan sida loola xiriiro, oo si wax ku ool ahna loo dhaxgalo qoysaska si loo taageero loona xoojiyo barashada iyo fayoobaanta caruurta yaryar.

  • muujinta aqoonta ahmiyada ay leedahay in lala xiriiro qoysaska si joogto ah iyo istiraatiijiyadaha loogu talagalay bilaabida iyo joogteynta xiriir wax ku ool ah oo lala yeesho qoysaska oo ay ka helayaan taageeradooda kor u qaadida horumarka iyo waxbarashada carruurta
  • adeegsiga aqoonta sida loo aasaaso loona ilaaliyo xiriir wanaagsan, wadashaqayn lala yeesho qoysaska si loo taageero waxbarashada carruurta iyo fayoobaantooda (tusaale ahaan, iyadoo la ixtiraamayo xulashada iyo yoolalka qoysaska ee carruurtooda, kala hadlida qoysaska wax ku saabsan manhajka iyo horumarka carruurtooda, kor u qaadista ka-qaybgalka qoyska, muujinta xasaasiyadda kala duwanaanshaha qaab-dhismeedka qoyska iyo asalka bulshada iyo dhaqanka)
  • muujinta aqoonta aragtiyaha qoysaska (tusaale, aragtida nidaamyada qoyska, aragtida deegaanka); dhaqdhaqaaqyada, doorarka, iyo cilaaqaadyada ka dhex jira qoysaska dhexdooda iyo qoysaska iyo bulshooyinka; iyo sida loo isticmaalo macluumaadka la helay iyadoo la fiirinayo dhaqdhaqaaqa qoyska iyo xiriirka si loo taageero barashada carruurta iyo fayoobaantooda
  • adeegsiga aqoonta xirfadaha iyo xeeladaha la-talinta qoysaska si loogu xiro bay'ada carruurta iyo wax ka qabashada welwelka qoyska ee xaaladaha jira
  • muujinta aqoonta sida loo kaalmeeyo qoysaska qiimeynta ikhtiyaarrada waxbarasho iyo go'aammada la xiriira kobcinta carruurta iyo barbaarinta iyo sida loogu xiriiriyo qoysaska adeegyo badan oo ku wajahan qoyska oo ku saleysan ilaha la tilmaamay, mudnaanta, iyo walaacyada
0011

Fahan sida loola xiriiro oo loola dhaqmo si wax ku ool ah asxaabta iyo bulshada si loo taageero barashada iyo fayoobaanta carruurta iyo sida loo isticmaalo xirfadaha iyo ilaha horumarinta xirfadeed, oo ay ku jiraan is-milicsiga, si loo hagaajiyo dhaqanka xirfadeed.

  • muujinta aqoonta sida si hufan loola shaqeeyo xirfadleyda iyo mutadawiciinta fasalka ilmanimada hore si loo hubiyo waxtarkooda xagga caawinta kor u qaadidda horumarka carruurta iyo waxbarashada
  • adeegsiga aqoonta xirfadaha iyo xeeladaha la-talinta iyo wada-shaqaynta mihnadlayaasha kale (tusaale, la-taliyayaal, macallimiinta fasallada kale, shaqaalaha waxbarashada gaarka ah, khabiirada warbaahinta, macallimiinta farshaxanka) si kor loogu qaado horumarka carruurta iyo barashada
  • muujinta aqoonta ilaha bulshada dhexdeeda (tusaale, wakaaladaha adeegga bulshada, hay'adaha dhaqanka, ganacsiyada) iyo xeeladaha loo adeegsado kheyraadkaas si loo daboolo baahiyaha carruurta yaryar loona hormariyo horumarkooda iyo waxbarashadooda
  • muujinta aqoonta horumarinta xirfadeed ee joogtada ah iyada oo ah dadaal iyo mas'uuliyad xirfad muddo dheera ah; doorka milicsiga iyo is-qiimaynta kobaca xirfadeed ee joogtada ah; doorka milicsiga iyo is-qiimeynta kobaca xirfadeed ee joogtada ah iyo istiraatiijiyado wax ku ool ah oo loo adeegsanayo milicsiga, is-qiimeynta, fikirka muhiimka ah, xalinta dhibaatada, iyo barashada is-hagida ee lagu hagaajinayo barashada barista laguna gaaro himilooyinka xirfadeed
  • muujinta aqoonta sida loo isticmaalo indha indhaynta fasalka, macluumaadka ku saabsan caruurta, iyo noocyada kala duwan ee cilmi baarista sida ilaha loogu talagalay qiimeynta natiijooyinka barista iyo barashada iyo aasaas u noqoshada iyo wax ka beddelka dhaqanka waxbarashada
  • muujinta aqoonta fursadaha iyo ilaha kala duwan ee horumarinta xirfadeed (tusaale ahaan, joornaalada xirfadeed, cilmi baarista waxbarashada, agabyada onlaynka, aqoon isweydaarsiyo) iyo sida loogu adeegsado dhiirrigelinta milicsiga, xalinta dhibaatooyinka, iyo taageerida kobaca xirfadeed, oo ayna ku jiraan horumarinta xirfadaha tikniyoolajiyadda ee joogtada ah
  • muujinta aqoonta iyo qaababka si wax ku ool ah loola shaqeeyo dadka kale ee bulshada dugsiga (tusaale, asxaabta, lataliyeyaasha, maamulayaasha, kormeerayaasha) si loo xoojiyo aqoonta barida, xirfadaha, iyo wax ku ool nimada
0012

Fahan aasaaska taariikheed, falsafadeed, iyo bulsheed ee waxbarashada carruurta da' yarta; xuquuqda iyo waajibaadka barayaasha, carruurta, iyo waalidiinta/masuulada; iyo tilmaamaha sharciga iyo anshaxa ee barayaasha Minnesota.

  • muujinta aqoonta horumarka taariikhiga ah iyo kan casriga ah ee waxbarashada carruurta da' yarta; aasaaska taariikhiga ah, falsafadda, iyo bulshada ee waxbarashada carruurta da' yarta; iyo sida aasaaskaasi u saameeyo fikirka iyo dhaqanka hadda jira
  • muujinta aqoonta saamaynta xaaladaha bulsheed ee carruurta iyo qoysaska iyo arrimaha hadda jira, isbeddellada, sharciga, iyo siyaasadaha kale ee dadweynaha ee saameeya carruurta, qoysaska, iyo barnaamijyada carruurta yaryar iyo xirfadda carruurta da'a yarta
  • muujinta aqoonta doorka macallimiinta maadaama ay yihiin shaqaalaha dawladda iyo xuquuqdooda iyo waajibaadkooda xirfadlayaal ahaan (tusaale ahaan, helitaanka iyo joogtaynta shatiga, isticmaalida dhaqan xirfadeed oo habboon, wax ka qabashada baahiyaha bartaha oo dhan, ilaalinta sirta, siinta waxbarasho ku habboon caruurta naafada ah, garashada calaamadaha xadgudubka iyo dayacaadda iyo ka warbixinta kiisaska la ogyahay ama looga shakisan yahay xadgudub ama dayacaad, iadeegsiga dhaqammo habboon oo la xiriira macluumaadka iyo teknolojiyada)
  • muujinta aqoonta heerarka anshaxa xirfadeed ee Code of Ethics for Minnesota Teachers (Xeerka Anshaxa ee Macallimiinta Minnesota)
  • muujinta aqoonta xuquuqda xaalado kala duwan ee caruurta (tusaale ahaan, marka loo eego nidaamka xuquuq dhowrista, anshaxa, asturnaanta, xoriyada hadalka, fursad waxbarasho oo loo siman yahay)