Pedagogy: Secondary (Grades 5–12) (Somali)

Test Framework

Imtixaan yaraha I (Test Code 423)
Qeyb mowduuceedka Ujeeddooyinka Xadka la doonayo Qiyaas ahaan Miisaanka Imtixaan yaraha
I. Horumarinta Ardayda, Barashada, iyo Kala duwanaanta 0001–0003 50%
II. Jawiyo Waxbarasho oo Jawaab celin leh 0004–0006 50%
Imtixaan yaraha II (Test Code 424)
Qeyb mowduuceedka Ujeeddooyinka Xadka la doonayo Qiyaas ahaan Miisaanka Imtixaan yaraha
I. Qiimayn, Waxbaris, iyo Aqoonta Akhris-qorista 0007–0009 50%
II. Jawiga Xirfadeed 0010–0012 50%

Horumarinta Ardayda, Barashada, iyo Kala duwanaanta

0001

Fahan horumarka inta lagu jiro sanad dugsiyeedka dugsiga sare iyo qaababka loo bixiyo fursadaha waxbarasho ee ka taageera ardayda xagga jir ahaan, bulsho, shucuur, akhlaaq, iyo kobaca garashada.

  • muujinta aqoonta sifooyinka koboca, geeddi-socodka, iyo horumarka ardayda dugsiga sare ee dhinacyada jireed, bulsho, shucuur, akhlaaq, iyo garasho ahaan
  • muujinta aqoonta kala duwanaanta koritaanka ee ardayda dugsiga sare dhinacyada jireed, bulsho, shucuur, akhlaaq, iyo garasho ahaan iyo dhaqamada waxbarida ee ka jawaabaya kala duwanaanshahan
  • muujinta aqoonta sida horumarka ardayda ee dhinac kasta uu saameyn ugu yeelan karo horumarkooda iyo waxqabadka dhinacyada kale
  • ku dabakhida aqoonta sida koriinka jireed, bulsho, shucuur, akhlaaq, iyo garasho ahaan ee ardayda ay saameyn ugu yeeshaan barashada iyo raadadka ay ku leeyihiin arimahan barista iyo barashada
  • adeegsiga aqoonta edbinta koritaan ahaan habboon ee buuxineysa baahida ardayda iyo taageerta koritaanka ardayga ee dhinacyada jireed, bulsho, shucuur, akhlaaq, iyo garasho ahaan
  • muujinta aqoonta caqabadaha shakhsiyeed (tusaale, waxbarashadii hore, hibada, asalka luqadda iyo dhaqanka) iyo arrimaha ka jira guriga, dugsiga, iyo bulshada (tusaale, isdhexgalka asxaabta; isticmaalka tubaakada, aalkolada, iyo daroogada) ee saameyn ku yeelan kara horumarka ardayda dugsiga sare. iyo u diyaarsanaanta inuu waxbarto
  • muujinta aqoonta dhaqamada ku-saleysan dhaawacyada si loo siiyo fursado waxbarasho oo taageeraya koritaanka ardayga ee dhinacyada jireed, bulsho, shucuur, akhlaaq, iyo garasho ahaan
0002

Fahan geeddi-socodka barashada iyo qaababka loo bixiyo khibradaha waxbaridda ee taageeraya barashada iyo hanashada ardayda.

  • muujinta aqoonta sida ardaydu ay wax u bartaan, u dhex galaan aqoonta, una horumariyaan waxqabadka iyo xirfadaha fikirka iyo istiraatiijiyado waxbaris oo kala duwan oo lagu dhiirrigelinayo natiijooyinkan
  • muujinta aqoonta fikradda u diyaarsanaanta xaaladaha kala duwan iyo istaraatiijiyadaha ku aaddan adeegsiga xoogga ardayga ee aasaaska u ah dhiirigelinta barashada iyo khaladaadka ardayga ee fursadaha barashada
  • adeegsiga aqoonta istiraatiijiyadaha ee ka caawinaya ardayda inay dhisaan wax macno leh (tusaale ahaan, isku xirka fikradaha cusub iyo fikradaha la yaqaan, xiriir ka sameynta khibradaha ardayda; siinta fursado hawlgalka firfircoon, wax beddelida, iyo tijaabinta fikradaha iyo qalabyada)
  • muujinta aqoonta waxyaabaha saameeya barashada ardayda (tusaale ahaan, aqoon iyo khibrad hore, barashada luqadda Ingiriisiga, Students with Limited or Interrupted Formal Education (Ardayda leh Waxbarashada Rasmiga ah ee Xaddidan ama La Joojiyay) [SLIFE], u diyaargarowga koritaanka, caafimaadka, naxdinta, xaaladaha dhaqaale, dabeecadaha macallinka, duruufaha qoyska, deegaanka bulshada) iyo sida loo bixiyo khibradaha waxbarasho ee ka jawaabaya khibradaha, sifooyinka, iyo baahiyaha kaladuwan ee ardayda
  • adeegsiga aqoonta istiraatiijiyadaha lagu dhiirrigelinayo ardayda inay qaataan mas'uuliyadda qaabeynta howlaha iyo natiijooyinka waxbarashadooda
  • muujinta aqoonta sida gaarka ah ee hababka iyo habraacyada waxbarista, oo ay kujirto adeegsiga tikniyoolajiyadda, laga filan karo inay saameyn ku yeelato geedi socodka iyo natiijooyinka waxbarashada
0003

Fahan kala duwanaanta ardayda iyo qaababka loo bixiyo khibradaha waxbarasho ee ka jawaabaya astaamaha iyo baahiyaha kala duwan ee ardayda, oo ay ku jiraan baahiyaha ardayda leh waxyaabo gaar ah.

  • muujinta aqoonta kala duwanaanshaha hababka waxbarashada iyo waxqabadka (tusaale, kala duwanaanta qaababka barashada iyo qaababka waxqabad ee la doorbiday) iyo sida loo qaabeeyo tilmaamaha ka jawaabaya baahida ardayda (tusaale, Universal Design for Learning [UDL]) oo adeegsada awooda ardayda si kor loogu qaado barashada
  • adeegsiga aqoonta meelaha gaar ahaaneed (tusaale ahaan, barashada, fikirka, jirka, garashada, caafimaadka dhimirka, hadiyadaha, hibada) iyo istiraatiijiyado lagu hormarinayo barashada ardayda leh waxyaabo gaar ah, oo ay kujirto ogaanshaha goorta iyo sida loo helo adeegyada iyo agabyada ku habboon si loo daboolo baahiyaha ardayda
  • adeegsiga aqoonta geedi socodka barashada luqadda labaad iyo istaraatiijiyado lagu taageerayo barashada ardayda luuqadooda koowaad aysan aheyn Ingiriis, oo ay kujirto ogaanshaha goorta iyo sida loo helo adeegyada ku habboon iyo ilaha si loo daboolo baahiyaha ardayda
  • muujinta aqoonta sida loo isticmaalo agabyadaa tikniyoolajiyadda si loogu fududeeyo barashada ardayda leh asalo, astaamo, baahiyo, iyo kartiyo kala duwan
  • muujinta aqoonta tabarucyada, sifooyinka, qaab nololeedka, iyo dhibaatada taariikhiga ah ee kooxaha kala duwan ee bulshada Mareykanka ah; dawladda qabaliga ah, taariikhda, aragtida adduunka, luqadda, iyo dhaqanka kooxaha Hindida Mareykanka ee fadhigoodu yahay Minnesota; iyo siyaabaha loo bixiyo khibradaha waxbarasho ee ka tarjumaya kana jawaabaya ardayda kala duwan ee bulshada, dhaqanka, iyo qoysaska
  • muujinta aqoonta kala duwanaanta dhaqanka iyo bulshada iyo xeerarka; sida wax looga barto looguna daro khibradaha ardayda, dhaqankooda, iyo ilaha bulshada mid barasho; iyo sida aragtiyo badan layskugu keeno barashada aagagga mawduucyada
  • muujinta aqoonta sida loo aqoonsado loogana jawaabo fikradaha xunxun ee ku saabsan kala-duwanaanta, oo ay ku jiraan eex, takoor, iska-necbeysi, iyo cunsuriyad mid hay'ad iyo mid shaqsiyadeedba iyo jinsi, iyo sida loo abuuro bulsho waxbarasho taas oo kala-duwanaanta kooxaha iyo shaqsiyaadka la qiimeeyo lana ixtiraamo
  • muujinta aqoonta ahmiyada ay u leedahay macalimiinta aaminaada dhamaan awooda ardayda inay wax ku bartaan heerarka ugu sareeya iyo ka go'naanshaha inay ku adkeystaan caawinta ardayda oo dhan si ay u gaaraan guusha arday ahaan iyo sidoo kale saameynta dabeecadaha macalinka ee koritaanka iyo barashada ardayda

Jawiyo Waxbarasho oo Jawaab celin leh

0004

Fahan sida loo dejiyo jawi aamin ah, loo wada dhan yahay, dhaqan ahaan aan xumayn, iyo jawi wax ku ool ah oo loogu talagalay ardayda oo dhiirigeliya is-dhexgalka wanaagsan ee bulshada, ka qeyb qaadashada firfircoon ee waxbarashada, iyo is-dhiirigelinta.

  • muujinta aqoonta sida loo sameeyo jawiga fasal oo wanaagsan loona abuuro jawi waxbarasho oo dhiirrigeliya isku-kalsoonaanta, ka-qaybgalka firfircoon, iyo xiriir wanaagsan oo dhexmara ardada oo dhan
  • adeegsiga aqoonta sida looga caawiyo ardayda inay u shaqeeyaan si wax soo saar leh ayna iska kaashadaan midba midka kale xaalado kala duwan iyo sida loo abuuro xiriiro asaagaa ah oo kobciya barashada
  • muujinta aqoonta rajooyinka laga qabo isdhexgalka ardayda, doodaha tacliimeed, iyo masuuliyadaha mid shaqsiyeed iyo mid kooxeedba oo abuuraya jawi fasal oo wanaagsan oo leh fufurnaan, is ixtiraam, taageero, baaritaan, iyo barasho
  • adeegsiga aqoonta dhiirrigelinta aadanaha, dhaqanka, iyo kooxaha bulshada, oo ay ku jiraan mabaadi'da cilmu-nafsiga, cilmiga dadka iyo dhaqamadooda, iyo cilmiga bulshada, si loo aqoonsado istiraatiijiyado wax ku ool ah oo lagu dhiirrigelinayo barashada ardayda iyo abaabulka iyo taageeridda shaqsi iyo koox
  • adeegsiga aqoonta arrimaha iyo xaaladaha u badan inay dhiirrigeliyaan ama yareeyaan dhiirrigelinta asalka ah iyo istaraatiijiyadaha ka caawinta ardayda inay noqdaan kuwo is-dhiiragaliya (tusaale, la xiriirida casharada danaha shaqsiyadeed ee ardayda, u oggolaanshaha ardayda inay kala doortaan waxbarashadooda, taasoo u horseedeysa ardayda inay weydiiyaan su'aalo iyo inay dabagalaan dhibaatooyinka macnaha u leh iyaga)
  • muujinta aqoonta ku saabsan sida dhiirigelinta aasaasiga ahi sare ugu qaado barashada ardayda ee nolosha oo dhan iyo sida isticmaalka istaraatiijiyado dhiirrigelin oo kala duwan u dhiirrigelin karto horumarka ardayga ee xirfadaha iyo kartida joogtada ah
  • muujinta aqoonta sida loo falanqeeyo jawiga fasalka iyo go'aan qaadashada iyo hagaajinta si kor loo hagaajiyo xiriirada bulshada iyo kordhinta dhiirigelinta ardayda iyo ka qaybqaadashadooda
0005

Fahan sida loo adeegsado dabeecadaha ka jawaabceliya dhaqanka (culturally responsive practices [CRP]) si loo abuuro jawi waxbarasho oo abaabulan, is dhexgal leh, iyo wax soo saar leh oo sare u qaada kaqeybgalka iyo barashada dhammaan ardayda.

  • muujinta aqoonta waxqabadka, nidaamyada fasalka ee koriinka ku habboon iyo habraacyada horumariya jawi habeysan oo wax soo saar leh oo dhiirigeliya barashada ujeeddada leh iyo ka-qaybgalka buuxa ee dhammaan ardayda ee shaqooyinka madaxa-bannaan
  • adeegsiga aqoonta istiraatiijiyadaha maaraynta jawiga waxbarista si loo kordhiyo waqtiga lagu qaato casharada fasalka (tusaale, abuuritaanka rajooyinka wada xiriirka iyo dhaqanka, maareynta kala guurka, maareynta qalabka, fulinta jadwalada ku habboon)
  • muujinta aqoonta istaraatijiyadaha abaabulka jawi muuqda ee fasalka si loo fududeeyo barashada ardayga loona gaaro himilooyin qeexan
  • muujinta aqoonta sida loo abaabulo, loo qoondeeyo, loona maamulo agabyada (tusaale, waqtiga, booska, u fiirsashada) si loogu dhiirrigeliyo ardayda waxbarashadooda iyo ka qaybqaadashada firfircoon ee howlaha wax soo saar leh
  • adeegsiga aqoonta sida loo qaabeeyo loona maareeyo bulshooyinka waxbaranaya taas oo ardaydu ay qaataan mas'uuliyadda naftooda iyo midba midka kale, soo bandhigaya ballanqaad, ka qayb qaadashada go'aan qaadashada, qaab ah iskaashi iyo madaxbannaani labadaba u shaqeynaya, iyo ku lug lahaanshaha waxqabadyo waxbarasho oo ujeedo leh
  • adeegsiga aqoonta maaraynta fasalka wax ku oolka ah, oo ay ku jiraan hababka loogu dhiirigaliyo ardayda inay la socdaan dhaqankooda iyo kor u qaadista iskaashiga ardayda iyo dareenka masuuliyada iyo isla xisaabtanka ka dhax jira fasalka
  • muujinta aqoonta sida loo falanqeeyo jawiga fasalka iyo go'aan qaadashada iyo hagaajinta si kor loogu qaado wax soo saarka iyo kaqeybgalka
0006

Fahan sida loo isticmaalo farsamooyinka isgaarsiinta wax ku oolka ah ee loogu talagalay dhiirigelinta su'aalaha jira, waxbarashada, iskaashiga, iyo isdhexgalka taageerada ee fasalka.

  • muujinta aqoonta aragtida isgaarsiinta, horumarinta luqadda, doorka luqadda ku leedahay barashada, iyo u adeegsiga luqadda ujeedooyin kala duwan (tusaale, si kor loogu qaado iska warbixinta, horumarinta aqoonsiga, iyo barashada)
  • muujinta aqoonta sida astaamaha ardaydu u kala duwan yihiin (tusaale, da'da, jinsiga, aqoonsiga jinsiga, asalka dhaqameed, asalka luqadda, gaar ahaaneed) ayaa saameyn ku yeelan kara wada hadalka fasalka iyo sida ugu habboon ee loola xiriiro dhammaan ardayda (tusaale, adeegsiga xirfadaha dhegeysiga firfircoon, ereyada ku habboon, iyo tilmaamayaasha aan hadalka aheyn)
  • adeegsiga aqoonta farsamooyinka isgaarsiinta hadalka ah, aan hadalka ahayn, iyo warbaahinta ee gudbinta fikradaha iyo macluumaadka iyo gaaritaanka yoolalka la cayimay (tusaale, bixinta jawaab celin, dhisida isku kalsoonaanta ardayda)
  • adeegsiga aqoonta istiraatiijiyadaha lagu taageerayo laguna balaarinayo sharaxaada ardayda dugsiga sare xagga hadalka, qoraalka, iyo warbaahinta kale iyo kobcinta xiriirka xasaasiga ah ee ardayda iyo ardayda oo dhan
  • muujinta aqoonta ku saabsan sida loo horumariyo bandhigyada cad, saxda ah iyo matalaadda fikradaha; u adeegso sharraxaadyo kale si kor loogu qaado fahamka ardayda; aragtiyo kala duwan oo jira; hagaaji isgaarsiinta si kor loogu qaado fahamka ardayda iyo kaqeybgalka; oo adeegso noocyo kala duwan oo warbaahin iyo teknolojiyad waxbarasho ah si loo kobciyo fursadaha waxbarasho
  • adeegsiga aqoonta ujeeddooyin kala duwan oo ah su'aalo waydiimo (tusaale, dhiirrigelinta doodda, baaritaanka fahamka ardayda, ka caawinta ardayda inay muujiyaan fikradahooda iyo hababka fikirida, dhiirrigelinta u bareerida halista wax soo saarka iyo xallinta dhibaatada, fududeynta xusuusta, dhiirigelinta fikirka midaysan iyo kaladuwanaanta, dhiirrigelinta xiisaha) iyo farsamooyinka su'aalo waydiimaha wax ku ool ah oo ku saabsan xaalado waxbarasho oo kala duwan

Qiimayn, Waxbaris, iyo Aqoonta Akhris-qorista

0007

Fahan noocyada kala duwan ee qiimeynta; xiriirka ka dhexeeya qiimeynta, tilmaamaha, iyo barashada; iyo isticmaalka qiimeynta si loo hubiyo horumarka ardayda ee joogtada ah iyo gaaritaanka heerarka iyo ujeedooyinka la qeexay.

  • muujinta aqoonta sifooyinka, isticmaalka, faa'iidooyinka, iyo xaddidaadaha noocyada kala duwan ee qiimeynta rasmiga ah iyo mida aan rasmi ahayn (tusaale, imtixaanka dhibcaha leh (criterion-referenced test), imtixaanka isbarbar dhiga shaqsiyaadka (norm-referenced test), imtixaanka macalinka uu diyaariyo, imtixaanka ku salaysan casharada, botofooliyo, indha-indhaynta macalinka, qiimeynta asxaabta, qiimaynta uu ardayga asaga iska qaado)
  • muujinta aqoonta aragtida cabirka, fikradaha udub dhexaadka u ah qiimeynta (tusaale, ansaxnimada, kalsoonida, eexda), farqiyada u dhexeeya qiimeynta iyo baarista, iyo doorka qiimeynta ay ku leedahay barista iyo barashada
  • muujinta aqoonta ujeedooyinka qiimeynta (tusaale, kormeerka, isbarbardhiga, baaritaanka, ogaanshaha) iyo sida loo xusho, loo dhiso, loona isticmaalo istaraatiijiyadaha qiimeynta, aaladaha, iyo teknolojiyada ujeedooyinka iyo baahiyaha kala duwan leh, oo ay ku jirto qiimeynta horumarka ardayga ee lagu gaarayo heerarka gobolka
  • tilmaamida iyo adeegsiga qiimeynta si loo aqoonsado awooda ardayda iyo baahidooda, la socoshada horumarka ardayga, qiimeynta iyo wax ka beddelka waxbarista, iyo kor u qaadida koritaanka ardayda iyo helitaanka fursado waxbarasho oo wax ku ool ah
  • adeegsiga aqoonta sida loo dhiirigeliyo ardayda dugsiga sare isticmaalkooda is-qiimeynta si loo aqoonsado awoodooda iyo baahidooda loona dejiyo yoolalka shaqsiyeed ee waxbarashada
  • muujinta aqoonta ahmiyada ay leedahay adeegsiga qiimeyn badan iyo istaraatiijiyad wax looga bedelayo qiimeynta fasalka ee ardayda leh astaamo iyo baahiyo kaladuwan (tusaale ahaan, bartayaasha Ingiriisiga [ELs], ardayda leh waxyaabaha gaarka ah)
  • muujinta aqoonta sida loo sameeyo loona ilaaliyo diiwaanada waxqabadka ardayga; adeegso agabyada teknolojiyada si loo ururiyo loona falanqeeyo xogta loona tarjumo natiijooyinka; ulana xiriiri si masuuliyad leh oo wax ku ool ah ardayda, waalidiinta/dadka ardayda mas'uulka ka ah, iyo asxaabtooda waxqabadka iyo horumarka
0008

Fahan nidaamyada iyo dhaqamada loogu talagalay qorsheynta iyo gaarsiinta waxbarista iyo sida loo qaabeeyo loona hirgeliyo tilmaamaha dhiirrigeliya waxbarashada iyo guusha dhammaan ardayda.

  • muujinta aqoonta waxyaabaha la tixgelinayo marka la qorsheynayo waxbaridda (tusaale, heerarka gobolka, yoolalka manhajka, dabeecadda mawduuca; aragtida barashada; Universal Design for Learning [UDL]; sifooyinka ardayda, khibradihii hore, iyo aqoonta iyo xirfadaha hadda jira, oo ay ku jiraan aqoonta akhriska)
  • adeegsiga aqoonta geedi socodka garashada ee laxiriira noocyada kaladuwan ee barashada iyo istaraatiijiyadaha edbinta ee kicin kara hababkan isla markaana sare uqaadaya fikirka xasaasiga ah, xalinta dhibaatooyinka madaxa banaan, iyo awooda waxqabadka ee ardayda
  • adeegsiga aqoonta sida loo adeegsado noocyada kala duwan ee macluumaadka iyo ilaha xogta inta lagu jiro qorshaynta si loo qeexo yoolalka waxbarashada, loo xusho habab waxbaris ku habboon iyo agabyada, loona waafajiyo qaababka waxbarasho, baahiyaha, iyo khibradaha kala duwan ee ardayda
  • adeegsiga aqoonta sifooyinka, faa'iidooyinka, iyo xaddidaadaha xeeladaha waxbaridda ee kala duwan (tusaale, barashada iskaashiga, barashada weydiimaha, barashada maadooyinka kala duwan, barashada tikniyoolajiyadda ku saleysan, barashada daahfurka, dhaqanka hagida, qaabeynta) iyo isticmaalkooda ku aaddan dhiirrigelinta barashada ardayda iyo ku guuleysiga heerarka gobolka
  • muujinta aqoonta sida loo qorsheeyo loona hirgeliyo khibradaha waxbarasho ee ku habboon yoolalka manhajka, ee khuseeya ardayda, iyadoo lagu saleynayo mabaadi'da tilmaamaha wax ku oolka ah (tusaale ujeeddooyin waxbaris oo kala duwan oo daboolaya baahiyaha ardayda ee kaladuwan (tusaale ahaan, hawlgalinta aqoontii hore, saadaalinta fikradaha hore, dhisida xirfado cusub ahna kuwii horey loo bartay), oo loogu talagalay in lagu gaaro ujeedooyin waxbaris oo kala duwan lana daboolo baahiyaha ardayda ee kaladuwan (tusaale, adeegsiga istaraatiijiyado kooxeedyo kala duwan, kala duwanaanta tilmaamaha)
  • muujinta aqoonta sida loo horumariyo, loo hirgeliyo, loona qiimeeyo qorshooyinka casharka ee adeegsada istaraatiijiyado kala duwan, habab, iyo agabyo ay ka mid yihiin ilaha farsamada, kana shaqeeya heerar kala duwan si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee ardayda iyo in laga caawiyo ardayda dhammaan inay horumar gaaraan
  • muujinta aqoonta sida loo isticmaalo habab badan oo loogu talagalay dhiirrigelinta ka-qaybgalka ardayda iyo barashada, si joogto ah loola socdo wax-ku-oolnimada waxbarashada, lakala duwo hannaanka waxbarasho si loo gaaro ujeeddooyinka la siiyay, ugana jawaabto si dabacsan fahamka ardayda, fikradaha, baahiyaha, ka-qaybgalka, iyo jawaab-celinta
  • adeegsiga aqoonta sida loo abuuro qorshooyinka gaagaaban iyo kuwa fog ee kuxiran baahida ardayda iyo waxqabadkooda, qiimeeyo qorshooyinka laxiriira yoolalka gaagaaban iyo kuwa fog, iyo hagaajinta qorshooyinka si loo daboolo baahiyaha ardayga loona xoojiyo waxbarashada
  • adeegsiga aqoonta xirfadaha iyo istiraatiijiyadaha ku lug lahaanshaha qorshe wax ku ool ah xaaladaha cayiman (tusaale ahaan, la shaqeynta asxaabtaada si loo qorsheeyo waxbarista, abuurista cutubyo kala duwan oo daraasad ah, ku maareynta barashada ardayga jawi tiknoolajiyadeed oo isku dhafan)
0009

Fahan aasaaska aqoonta tacliineed, manhajka, iyo agabyada iyo istaraatiijiyadaha lagu dhiirrigelinayo akhriska, qorista, ku hadalka, iyo xirfadaha dhegeysiga ee maadada.

  • muujinta aqoonta xirfadaha horumarka isku xigxiga ee luqadaha iyo akhris-qorista ee sannadaha dugsiga sare oo dhan; heerarka da'da iyo heerka fasalka ee aqoon isweydaarsiga dhalinyarada da'da yar; astaamaha kala duwan ee luqadda (tusaale ahaan, macno ahaan, erey ahaan, qaab-dhismeedkooda, iyo barasho ahaan); iyo doorka luqadda tacliimeed ee horumarinta fahamka ardayda ee fikradaha u gaarka ah aqoonta, nuxurka, iyo xirfadaha
  • muujinta aqoonta aragtiyaha iyo heerarka barashada akhriska iyo qorista luqadda koowaad iyo labaad, doorka luuqadda koowaad ee ardayda ee barashada akhriska iyo qorista luqadda labaad, iyo saamaynta xirfadaha aqris-qorista ardayda ee waxqabadkooda ku saabsan qiimeynta aqoonta gaarka ah
  • adeegsiga aqoonta hababka lagu taageerayo horumarinta aqoonta, qorista, ku hadalka, iyo xirfadaha dhageysiga ardayda iyo sidoo kale horumarinta iyo ballaarinta ereyadooda
  • muujinta aqoonta istaraatijiyadaha lagu hagaajinayo fahamka (tusaale ahaan, saadaalinta, ujeedada dejinta, isku xigxigsiinta, kormeerka, su'aalaha, soo koobista) iyo sida loo qaabeeyo loona dhiiri geliyo adeegsiga istaraatijiyadaha fahamka
  • adeegsiga aqoonta hababka loo barayo ardayda sida loo tarjumo qaababka garaafka ee qoraalka (tusaale, jadwalka, jaantusyada, cinwaanada); falanqeeyaan qaabdhismeedka ururada ee qoraallada (tusaale ahaan, isku xigxiga, sababaha, isbarbardhiga); oo tixgeli sida astaamaha garaafka, jumlado gaar ah, baaragaraafyada, iyo qaybo badan oo qoraalka ahi loola xiriiriyo qoraalka guud ahaan
  • muujinta aqoonta foomamka iyo shaqooyinka luuqadda tacliimeed si looga caawiyo ardayda inay horumariyaan oo muujiyaan fahamka waxyaabaha ay ka kooban yihiin iyo sidoo kale farsamooyinka lagu caawiyo ardayda inay adeegsadaan ereyo cusub oo ay ku barteen maadooyin kala duwan
  • adeegsiga aqoonta istiraatiijiyadaha xulashada aqoonta maadooyin iyo macluumaad gaar ah oo ka hadlaya danaha, sooyaalka, iyo baahida waxbarasho ee ardayda; taas oo dhaqan ahaan ka jawaab celisa; oo ku aada baahida ardayda iyo himilooyinkooda waxbarasho, oo ay ku jiraan aqoonsiga astaamaha qoraalka ee caqabad ku noqon kara fahamka (tusaale ahaan, kakanaanta weedhaha, adeegsiga erayo aan caadi ahayn, u qaadashada aqoon hore)
  • muujinta aqoonta sida loo siiyoo taageerada iyo fursadaha ardayda inay wax ugu qoraan si joogto ah ujeeddooyin dhab ah; u adeegsadaan qoraal si loo horumariyo fahamka fikradaha iyo xirfadaha aagagga mawduuca; oo ay adeegsadaan softiweerka bandhigga, warbaahinta, iyo muuqaal soo bandhigida ee ku habboon ujeeddada iyo dhagaystayaasha
  • adeegsiga aqoonta istiraatiijiyadaha kor loogu qaadayo helitaanka ardayda ee xirfadaha cilmi baarista (tusaale, xulashada mowduuc, uruurinta macluumaadka laga helayo ilo kala duwan, isku dubaridka macluumaadka, soo koobida, adeegsiga caddeynta) iyo ka qeyb qaadashada ardayda adeegsiga tikniyoolajiyadda soo saarista iyo qorista daabacaadda iyo isdhexgalka iyo iskaashi la yeelashada dadka kale

Jawiga Xirfadeed

0010

Fahan farsamooyinka isgaarsiinta, wada shaqeynta, iyo la yeelashada falgal waxtarka leh qoysaska, daryeelayaasha, asxaabta, iyo bulshada si loo taageero loona xoojiyo barashada iyo fayoobaanta ardayda.

  • adeegsiga aqoonta xirfadaha iyo istaraatiijiyadaha lagu abuurayo xiriiro wax ku ool ah waalidiinta/dadka ardayda mas'uulka ka ah iyo daryeelayaasha si loo taageero waxbarashada ardayda iyo fayoobaantooda iyo wax ka qabashada waxyaabaha ay ka walaacsan yihiin ee ah xaaladaha loo dhiibay
  • muujinta aqoonta ahmiyada ay leedahay in loola xiriiro qoysaska ama daryeelayaasha si joogto ah iyo istiraatiijiyado loogu talagalay bilaabida iyo joogteynta xiriir wax ku ool ah oo lala yeesho qoysaska ama daryeelayaasha
  • adeegsiga aqoonta xirfadaha iyo istaraatiijiyadaha ee sida fiican loola shaqeynayo xirfadleyda kale ee dugsiga (tusaale, shaqaalaha taageerada, macallimiinta kale, maamuleyaasha, shaqaalaha degmada) si loo wanaajiyo guusha ardayda iyo kor u qaadida guud ahaan jawiga waxbarasho
  • muujinta aqoonta xirfadaha iyo istaraatiijiyadaha lagula tashanayo waalidiinta/dadka ardayda mas'uulka ka ah, daryeelayaasha, la-taliyayaasha, macalimiinta kale, iyo xirfadlayaasha wakaaladaha bulshada si ay isugu xiraan jawiga ardayda una horumariyaan kobaca iyo barashada ardayda
  • muujinta aqoonta ilaha bulshada (tusaale ahaan, hay'adaha dhaqanka, ganacsiyada, shakhsiyaadka, wakaaladaha adeegga bulshada) iyo istiraatiijiyado loogu adeegsanayo agabkan si loo daboolo baahiyaha ardayda loona dhiirrigeliyo horumarka ardayda iyo waxbarashadooda
0011

Fahan farsamooyinka loogu talagalay dhaqanka milicsiga, istiraatiijiyado si joogto ah loogu qiimeeyo saameynta xulashooyinka iyo ficillada xubnaha bulshada dugsiga, iyo fursadaha iyo ilaha loogu talagalay horumarinta xirfadda iyo koboca.

  • adeegsiga aqoonta istiraatiijiyadaha adeegsiga milicsiga, is-qiimeynta, fikirka xasaasiga ah, xalinta dhibaatada, iyo barashada is-toosinta ee lagu hagaajinayo dhaqamada waxbarashada, lagu gaarayo himilooyinka xirfadeed, iyo sare loogu qaadayo kobaca xirfadeed ee joogtada ah
  • muujinta aqoonta sida loo isticmaalo indha indhaynta fasalka, macluumaadka ku saabsan ardayda, iyo noocyada kala duwan ee cilmi baarista sida ilaha loogu talagalay qiimeynta natiijooyinka barista iyo barashada iyo aasaas u noqoshada iyo wax ka beddelka dhaqanka waxbarashada
  • muujinta aqoonta fursadaha kala duwan ee horumarinta xirfadeed iyo ilaha (tusaale ahaan, joornaalada xirfadeed, cilmi baarista waxbarashada, agabyada onlaynka, aqoon isweydaarsiyo) iyo sida loogu adeegsado dhiirrigelinta milicsiga, xalinta dhibaatooyinka, iyo taageerida kobaca xirfadeed, oo ay ku jiraan horumarinta xirfadaha tikniyoolajiyadda ee joogtada ah
  • muujinta aqoonta doorarka iyo masuuliyadaha xubnaha kala duwan ee dugsiga bulshada iyo qaababka si wax ku ool ah ula shaqeynta kuwa kale ee bulshada dugsiga (tusaale, asxaabta, lataliyeyaasha, maamulayaasha, kormeerayaasha) si loo xoojiyo aqoonta barida, xirfadaha, iyo wax ku ool nimada
0012

Fahan aasaaska taariikheed iyo aasaaska falsafadeed ee waxbarashada; xuquuqda iyo waajibaadka ardayda, waalidiinta/dadka ardayda mas'uulka ka ah, daryeelayaasha, iyo barayaasha xaaladaha waxbarasho ee kala duwan; iyo tilmaamaha sharciga iyo anshaxa ee barayaasha Minnesota.

  • muujinta aqoonta aasaaska taariikhiga ah iyo falsafo ee waxbarashada, oo ay kujiraan nidaam aadane, ujeedooyinka ururada waxbarashada, daryeelayaasha, iyo howlaha iskuulada iyo nidaamyada iskuulka sida ururada bulshada dhexdeeda
  • adeegsiga aqoonta doorka macallimiinta maadaama ay yihiin shaqaalaha dawladda iyo xuquuqdooda iyo waajibaadkooda xirfadlayaal ahaan (tusaale ahaan, helitaanka iyo joogtaynta shatiga, isticmaalida dhaqan xirfadeed oo habboon, wax ka qabashada baahiyaha bartaha oo dhan, ilaalinta sirta, siinta waxbarasho ku habboon ardayda naafada ah, ka warbixinta kiisaska la ogyahay ama looga shakisan yahay xadgudub ama dayacaad, iadeegsiga dhaqammo habboon oo la xiriira macluumaadka iyo teknolojiyada)
  • adeegsiga aqoonta heerarka anshaxa xirfadeed ee Code of Ethics for Minnesota Teachers (Xeerka Anshaxa ee Macallimiinta Minnesota)
  • muujinta aqoonta xuquuqda waalidka/qofka ardayga mas'uulka ka ah xaalado kaladuwan (tusaale ahaan, marka loo eego nidaamka xuquuq dhowrista, asturnaanta, diiwaanada waxbarashada, iyo kaqeybgalka qorsheynta waxbarashada)
  • muujinta aqoonta xuquuqda ardayga xaalado kaladuwan (tusaale ahaan, marka loo eego nidaamka xuquuq dhowrista, anshaxa, asturnaanta, xoriyada hadalka, iyo fursad waxbarasho oo loo siman yahay)